Monday, June 2, 2025
HomeAll NewsCunaqabateynta bedelkeeda, Barnaamijka Nukliyeerka Iiran Miyuu Fursad Maalgashi u Noqon Karaa Maraykanka?

Cunaqabateynta bedelkeeda, Barnaamijka Nukliyeerka Iiran Miyuu Fursad Maalgashi u Noqon Karaa Maraykanka?

Wadahadallada Nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, ayaa waxaa kasoo baxay fikrado cusub, taas oo ah, waxa dhici kara haddii Mareykanku uusan isku dayin inuu xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, balse uu gacan ka siiyo dhismahiisa?

Saxafiyad lagu magacaabo Feena Cali Khaan ayaa warbixin ay qortay oo lagu daabacay majalladda Mareykanka ee “Fooren Boolasi” ku sheegtay, in fikradda ah in Mareykanku uu ka caawiyo Iiraan horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeer ay si toos ah u beegsaneyso dabeecadda Doonal Taraam ee ku aaddan raadinta heshiisyo waaweyn, taas oo si cad u muuqatay intii uu ku sugnaa booqashadiisii ugu dambeysay ee Bariga Dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Arakji, ayaa maqaal uu bishii Abriil uu qoray oo lagu daabacay wargeyska caanka ah ee “The Washitoon Boost” ku sheegay, in heshiis cusub oo Nukliyeer ah uu furi karo albaab weyn oo ganacsi oo u suuragelinaya shirkadaha Mareykanka inay ka faa’iideystaan fursada dhaqaale ee uu ku tilmaamay inay gaarayso hal Tiriliyan oo Doollar, taas oo laga helo dalka Iiraan oo leh mid ka mid ah kaydadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ugu waaweyn dunida.

Cabbaas Arakji, ayaa sidoo kale soo bandhigay nuqulka khudbad uu u diyaariyay inuu ka jeediyo Machadka waxa ay igu yeeraan Nabadda Caalamiga ah ee Kaarniiqi – ka hor inta aan munaasabadda la baajin – taas oo uu kaga hadlay qorshaha Iiraan ee dhismaha ugu yaraan 19 xarumood oo cusub oo Nukliyeer ah. Wuxuu sidoo kale Khudbaddaas ku soo jeediyay fikradda ah in Mareykanku maalgelin ku sameeyo mashaariicdaas, isagoo carrabka ku adkeeyay, in suuqyada gudaha ee Iiraan ay awood u leeyihiin inay dawr muhiim ah ka qaataan soo noolaynta warshadaha Nukliyeerka ee Mareykanka oo uu tilmaamay inay haatan wajahayaan hoos u dhac iyo caqabado dhaqaale.

Soo jeedinta Iiraan ma aysan aheyn oo kaliya mid calaamad u ah dadaal diblomaasiyadeed ama arrin nabadeed, balse waxay ahayd fariin si xeel dheer loo diyaariyay, taas oo si toos ah ula jaanqaadaysa hab-dhaqanka Doonal Taraam ee ku saleysan gorgortanka heshiisyada waaweyn, iyo in la abuuro hadal-hayn siyaasadeed oo muuqata.

Arrintan ayaa Maraykanka siinaysa kaalin muhiim ah, si ay u abuuraan fursado shaqo iyo nidaamyo kormeer oo adag, taas beddelkeedana ay oggolaadaan in cunaqabateynta la fududeeyo isla markaana Tehraan loo oggolaado inay hesho tiknoolajiyadda casriga ah. Tani waxay ahayd isku day ay Iiraan ku doonayso in la beddelo xiriirka dagaal iyo is-maandhaafka siyaasadeed ee muddada tobanaanka sano ah u dhexeeyay labada dal, loona wareego iskaashi dhaqaale oo labada dhinacba dan u ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegtay qoraaga warbixinta, fikraddan ma ahayn mid cusub gabi ahaanba, waxaana horey loogu falanqeeyay wadahadallo la mid ah intii lagu guda jiray heshiiskii Nukliyeerka ee sannadkii 2015-ka, kaas oo loo yaqaanay Qorshaha Hawlgalka Wadajirka ah ee lagu magacaabo “JCPOA”. Heshiiskaas ayaa lagu gorfeeyay xakamaynta barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, balse Doonal Taraam ayaa si rasmi ah uga baxay sannadkii 2018-kii, isagoo ku andacooday in heshiisku uusan damaanad qaadi karin ammaanka Mareykanka.

Halkaan ka Degso Warbixinta Mareykanka iyo Iiraan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.