Daahir Amiin jeedow oo kamid ah xildhibaannada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu si adag uga hadlay, hadal kasoo yeeray Cali Jeyte xilli uu khudban u jeedinayay maleeshiyaad Macawiisleyda oo la isku soo uruuriyay.
Cali oo mudooyinkii dambe aad uga walaacsanaa awoodda ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku leedahay gobalka Hiiraan iyo weerarada ay ka fulineyso deegaanno kaabiga ku haya Baladweyne ayaa sheegay, in dadka shacabka ah ee ku dhaqan qeybo kamid ah gobalka Hiiraan ay ula mid yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Daahir Amiin Jeesow oo si adag uga jawaabay hadalka kasoo yeeray Cali Jeyte ayaa tilmaamay, in arrintaasi ay tahay mid lala yaabo oo aan sax aheyn, isagoo intaa ku daray in ciidanka uu Cali Jeyte u khudbeynayay ay yihiin maleeshiyaadkii dhawaan la isku soo uruuriyay ee isbaarooyinka dhigtaay qeybo kamid ah gobalka Hiiraan.