Daahir Amiin Jeesoow oo ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka, ayaa sheegay iney wax lala yaabo tahay in Axmad Macallin Fiqi Wasiir looga dhigay wasaarad uu horay uqorsheeyay inuu burburin doono iyo ciidan uu malleeshiyo ku tilmaamay.
Wuxuu xildhibaanku tilmaamay farqiga udhaxeeya filashada Dowladda Fedaraalka ee wax ka bedelka wasaaradda iyo sida ay ukala fogyihiin dadka ay rabto inuu hogaan unoqdo oo ah kuwo ay colaadi kala dhaxeyso horayna uu wax uga sheegay xilli uu mucaarad ahaa.