Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuusan daacad ka aheyn hadalla uu ku hadlayo, isagoo sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Gaashaandhigga.
Daahir Amiin Jeesow oo ah Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in siyaasad xumo iyo munaafaqnimo uu ku dhaqmayo Xasan Sheekh, islamarkaana aysan dhab ka aheyn gogosha uu ufidinayay mucaaradka.
Sidoo kale waxa uu weerar afka ah ku qaaday Axmed Macallin Fiqi oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Fedaraalka, kaas oo uu ku sheegay inuusan ku rooneyn mucaaradnimo iyo muxaafadnimo intaba.
Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay iney udacwoodaan waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa waxa uu Daahir sheegay in uu hadalkaasi kaga careysiin karo Shisheeyaha ay ku tiirsan yihiin.
Waxa uu intaas ku daray in lakala garan la’yahay shaqada Fiqi oo uu ku sifeeyay qowsaar ay shaqo udhiibteen, kana yeeli doonin inuu ku cayaaro wixii ay udhiibteen sida uu hadalka udhigay.