Sunday, July 13, 2025
HomeAll NewsDab Khasaare Badan Geystay oo maalmo Xiriir ah ka Socdo Keymo ku...

Dab Khasaare Badan Geystay oo maalmo Xiriir ah ka Socdo Keymo ku Yaalla Dalka Morocco.

Maamulka Morooko ayaa Arbacadii shalay ku dhawaaqay, inay maalintii saddexaad oo xiriir ah sii wadaan daminta dabka xooggan oo ka kacay keymo dhaca waqooyiga gobolka Dhanja ee dalkaas, kaas oo baa’bi’iyay dhul aad baaxad uleh.

Dabkaan oo Isniintii ka kacay Kaymo lagu magacaabo Huwaarah oo ku yaalla waqooyiga gobalka Dhanja ayaa qabsaday dhul gaarayo 60 hektar oo dhul keymo ah, sida uu sheegay maareeyaha wakaaladda biyaha iyo kaymaha ee gobolkaas, ninka lagu magacaabo Cusmaan Cazaawi.

Maareeyaha ayaa intaasi ku daray, in gobalka ay hadda ka jiraan dabaylo xooggan, oo ay weheliyaan heerkul aad u sareeyo, taas oo caqabad ku ah in wax laga qabto dabka.

Mas’uulkan ayaa mar uu waraysi siiynay wakaaladda Anadool ee Turkiga waxa uu sheegay, in daminta dabku ay ka qayb qaadanayaan noocyada kala duwan ee ciidamada Morooko, kuwaas oo isticmaalaya booyadaha dab-damiska iyo diyaarado, sida laga dheehan karo muuqaal laga soo duubay halkaas, laakiinse waxa uu tilmaamay Cusmaan, inay xakamaynta dabkaani ay wali ka wajahayaan dhibaatooyin ay kamid yihiin isbadalka cimallada.

Xeer ilaalinta guud ee boqortooyada Morooko ayaa Arbacadii ku dhawaaqday, in la xiray qof looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dabkaas, saddexda maalmood ka hor ka kacay keymaha Huwaarah ee gobolka Dhanja ee waqooyiga dalkaasi.

Waxayna xeer ilaalintu bayaan ay soo saareen ku sheegeen, in ciidamada ammaanku ay ka soo qabteen ruuxaas meel u dhow goobta uu dabku ka kacay, isagoo watay boorso ay ku jireen Toban xabo oo janto ah, Tuubo lagu cabo Xashiishka iyo Mindi yar”.

Kaymaha waxay daboolaan qiyaastii boqolkiiba 12 dhulka Morooko, waxayna sanad walba la kulmaan dab uu awoodiisa kala duwan yahay marka loo eego xaaladaha isbadalka cimillada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.