Dab ayaa xalay ka kacay xarunta dambi baarista Dowladda Fedaraalka ee magaalada Muqdisho.
Habeenkii xalay waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta CID-da oo u dhexeysa Soobe iyo KM4 ka kacay dab xooggan.
Dabka ayaa waxaa la sheegay inuu koronto ka dhashay, waxa uuna si gaar ah kaga kacay qolalka ciidanka ilaalada ee xaruntaas.
War kasoo baxay taliska ciidamada Boliska ee Dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay, in wax khasaare ah uusan geysan dabkaan xalay ka kacay xarunta CID-da.