Saturday, July 5, 2025
HomeAll NewsDab Xooggan oo Maalinkii Afraad ka Socda Gobollo Ka Tirsan Dalka Maraykanka.

Dab Xooggan oo Maalinkii Afraad ka Socda Gobollo Ka Tirsan Dalka Maraykanka.

Dalka Mareykanka gaar ahaan gobalka Kalifooniya ayaa wajahaya mid kamid ah musiibooyinkii ugu adkaa ee soo mara tan iyo sanadkan 2025-ka, kaddib markii uu dab xooggan ka kacay dhul-beereed balaaran oo ku yaalla bartamaha gobolka, taas oo ka dhalatay heer kulka sareeya ee ka jira gobalkaas.

Wararka ka imaanaya Maraykanka ayaa sheegaya, in 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu dabkan baabi’iyey in kabadan 200 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran. Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya uuro madow oo haraysay inta badan dhul-beereed-ka uu dabkan ka kacay, taas oo caddeyn u ah baaxadda uu leeyahay dabkan.

Dhacdadan ayaa imaanaysa, kaddib markii sidan oo kale dabab kale oo xooggan ay maalmihii lasoo dhaafay uga kaceen goobo kala duwan oo ka tirsan gobalka Kalifooniya, taas oo cabsi gelisay dadka deegaanka ee ka agdhow goobaha uu dabku ka kacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.