Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsDab Xooggan oo Qabsaday Jasiirad ku Taalla Bariga Wadddanka Giriiga.

Dab Xooggan oo Qabsaday Jasiirad ku Taalla Bariga Wadddanka Giriiga.

Kooxaha dab-damiska ee waddanka Giriiga ayaa ku dhawaaqay, inay la tacaalayaan xakamayinta dab weyn oo ka kacay jasiirad lagu magacaabo Khuyuus oo dhacda bariga dalkaas, iyadoo 11 diyaaradood iyo kuwa qumaatiga u kaca la geeyay si ay gacan uga geystaan ​​xakamaynta dabka, sida ay sheegeen maamulka maxalliga ah.

Warbaahinta Giriiga ayaa ku warantay, in 16 tuulo iyo xero weyn oo ay ku jireen dad tahriibiyaal ah laga daadgureeyay goobaha uu dabku ka kacay, halka wasaaradda socdaalka ee dalkaas ay shaacisay, in 629 qaxooti ah si ku meel gaar ah loogu wareejiyay gooba kale.

Kooxaha dabdamiska ee Giriiga ayaa sidoo kale tilmaamay, in dabeylo xoogan ay ka qeyb qaadanayaan fiditaanka dabka. Maamullada waddanka Giriigga ayaana ka shakiyay, in dabkan uu ahaa mid si bareer ah loo shiday.

Ciidamada booliiska iyo kuwa dab damiska ee dalkaas ayaa tibaaxay, inay baarayaan warar soo baxay oo sheegaya, in dabka uu ka kacay saddex goobood oo isku ku dhow dhow muddo kooban gudaheed, taas oo rajaxaysa inay dad ka danbeeyeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.