Wednesday, July 16, 2025
HomeAll NewsDabkii in ka Badan Todobaad ka Socday Keymaha Suuriya oo la Damiyay.

Dabkii in ka Badan Todobaad ka Socday Keymaha Suuriya oo la Damiyay.

Dowladda Suuriya ayaa ku dhawaaqday galabnimadii shalay oo Talaado ahayd, in la soo gaba gabeeyay howlgallada daminta dab dhawaan ka kacay buuraleyda gobolka Laadiqiya  ee waqooyi-galbeed ee dalkaas, kadib Labo iyo Toban maalmood oo lagu hawlanaa xakamayntiisa, sida uu shaaca ka qaaday, wasiirka gurmadka iyo la tacaalidda Musiibooyinka ee Suuriya ninka lagu magacaabo Raa’id Saalix.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo guddoomiyaha gobolkaas  waxa uu ku sheegay, in kooxaha dab-demiska ay la kulmeen intii u dabka socday caqabado waaweyn oo ay ugu horreyso miinooyinka iyo waxyaabaha haraadiga ah ee ka haray dagaalka, marka laga soo tago dabaylo xooggan oo isbedbedelayay, dhulka oo ah mandiqad buuraleey oo aad u qallafsan, iyo maqnaanshaha qalabyada dab-demiska, taas oo uu sheegay inay ugu wacan tahay dayaca muddada dheer ka jirtay dalkaas iyo keymihiisa.

Dhankiisa guddoomiyaha gobolka Laadiqiya  Muxamed Cusmaan ayaa sheegay, in dabku uu baabi’iyay, in ka badan Lix iyo Toban Kun oo hektar oo dhul keymo ah oo ay ku jiraan Labo Kun Labo Boqol oo hektar oo dhul beereed ah, wuxuuna tibaaxay guddoomiyaha, inuu dabku saameeyay Shan iyo Afartan tuulo, taas oo keentay, in tirada qoysaska ay dhibaatadu saamaysay ay gaaraan ku dhawaad Kun iyo Labo Boqol oo qoys oo Suuriyaan ah, sida uu sheegay gudoomiyaha gobalkaas.

Wuxuu sharaxay, in maamulka gobolka uu ka shaqeeyay Labo iyo Tobankii maalmood ee uu socday dabka, in la daboola baahiyaha bini’aadantinimo ee dadka ay dhibaatadu saamaysay, isagoo tibaaxay, inay muddadaasi ay beeraha dhexdooda ka yagleeleen goob dadka lagu siinayay raashin bisil, taas oo maalin kasta bixinaysay in ka badan Labo Kun iyo Shan Boqol oo hal xilli cunto ah, iyadoo goobtaasi sidoo kale lagu ilaalinayay qalabka dab-damiska.

Waxa uu tilmaamay, in wufuud heer wasiirro ah ay booqdeen deegaannadii ay dhibaatadu ka dhacday, isla markaana ay billaabeen in ay dejiyaan qorshe ballaaran oo lagu qiimeynayo khasaaraha iyo magdhowga dadka dhibaatadu gaartay. Wuxuu ku macneeyay, in maamulka gobolkiisa uu fulin doono qorshaha dib u dayactirka iyadoo la kaashanayo wasaaradaha ay khuseyso.

Goobaha baadiyaha ah ee gobolka Laadiqiya  ee waqooyi-galbeed waddanka Suuriya waxaa aalaa ka kaca dabab xilliyada xagaaga, taas oo ay ugu wacan tahay heerkulka sare, mandiqadda oo aad ugu badan yihiin geedaha iyo xawaaraha dabaylaha oo aad u sarreeya, taas oo ka dhigaysa mid adag in la damiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.