Iyadoo ay socdaan baaritaanno ku addan dabkii dhawaan ka kacay hote ku yaalla gobolka Bolu ee dhaca bartamaha dalka Turkiga, ayaa waxaa xabsiga la dhigay 19 ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin heer gobol ah oo xilal ka haya dowladda Turkiga.
Dadka la xiray waxaa kamid ah, ku xigeenka duqa magaalada Bolu ninka lagu magacaabo Sedat Gulner, ku xigeenka madaxa dab damiska Kenan Coşkun, Maareeyaha Guud ee Hotelka Ahmet Demir, iyo nin qaabilsan dab-demiska oo lagu magacaabo Irfan Akar.
Xafiiska xeer-ilaalinta gobolka Bolu ayaa su’aalo waydiiyay maxaabiistan, waxaana loo gudbiyay waxaana loo gudbiyay Maxkamadda, Naqshadeeye gudaha hoteelka ayaa sidoo kale la sii daayay kadib markii la baaray.Xeer-ilaalinta ayaa sheegtay in baaritaan ay sameysay ku ogaatay, in dabku ka billowday jikada, kadibna si deg deg ah ugu baahan hotelka oo aan lahayn wax dab damis ah.
iyagoo hadalkooda sii wata ayey sheegeen in maamulka gobolka uusan sameyn wax war gelin ah ku aaddan waaxda dab damiska, xilligii uu dabku kacay.
Dabkii ka kacay hotelka ku yaalla gobolka Bolu ayaa waxaa ku dhintay 76 qof, halka ay ku dhaawacmeen 51 kale.