Wararka ka imaanaya dalka Indunuusiya ee dhaca koonfur bari qaaradda Aasiya ayaa sheegaya, in dalkaas uu ka dhacay burbur ku yimi goob laga qodo dhagaxaanta dabiiciga ah, halkaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in kabadan 20 qof, iyada oo wali la’layahay dad ku hoos xaniman burburka hoostiisa.
Goobta laga qodayay dhagaxaanta dabiiciga ah ayaa ku taalla degmada Siriboon ee galbeedka gobalka Jafa ee dalka Indunuusiya, inta la xaqiijiyay waxaana ku dhintay 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 12 kale, iyada oo ay intaas sii dheertahay in ay jiraan dad wali kuhoos xaniban burburka godka, kuwaas oo aan tiro rasmi ah laga hayn.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo lagasoo duubay goobta ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya burburka ku yimi godka laga qodayay macdanta, taas oo marar badan marti galisay dhacdooyin noocan lamid ah.
Guddoomiyaha gobolka Galbeedka Jafa, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Inistaragaraamka ku sheegay, in goobtaasi ay tahay mid aad u khatar badan oo aan lahayn xeerar badbaado oo shaqaalaha lagu ilaaliyo. Wuxuu intaa ku daray in godkaas macdanta laga qodo la furay ka hor intaanu xilka qaban, isla markaana aanu awood u lahayn inuu xiro, maadaama uu galaaftay nolosha tobonaan qof oo indunuusiyaan ah.
Dhacdooyinka noocan oo kale ayaa ku badan dadlka Indunuusiya, gaara ahaan goobaha macdanta laga qodo, taas oo ay ugu wacan tahay ciida jilicisan ee goobaha macdanta laga helo oo u badan inay soo dumaan hadii la qodo wax kaban dhawar mitir.