Tuesday, July 1, 2025
HomeAll NewsDad Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weeraro Toogasha ah iyo Qarax ah...

Dad Dhimasho & Dhaawac Ku Noqday Weeraro Toogasha ah iyo Qarax ah oo Ka Dhacay Mareykanka.

Waddanka Mareykanka ee dhaca qaaradda Ameerika ayaa laga soo calaamadeeyay weerar toogasha ah iyo qarax oo labduba sababay dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo ka kala dhacay goballa kala duwan oo ka tirsan dalkaas.

Haddan ku hormarna weerarka toogashada ah, Ruux hubaysan ayaa galabnimadii shalay rasaas ooda uga qaaday kooxa dab-damis  ah oo isku dayay, inay damiyaan dab ka kacay kaymo ku yaallo waqooyiga gobolka Aydaahoo ee waddanka Mareykanka, sida uu shaaca ka qaaday mid kamida mas’uuliyiinta gobolkaas.

Weerarkan toogashada ah ee ka dhacay dalka Mareykanka ayaa Inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay Labo qof oo ka tirsanaa dab-damiska, halka lagu dhaawacay dhowr kale.

Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay, in ninka toogashada geystay uu weli baxsad yahay, isla markaana uu sii wado inuu rasaaseeyo ciidamada amaanka ama cid walba oo ka soo agdhawaato goobta uu dabka ka kacay oo ah mandiqda buuraleey ah, isaga oo dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan goobtaas.

Madaxa dab damiska ee deegaankaas ayaa goor sii horeysay sheegay, in uu aad uga xun yahay weerarkaas, isagoo hadal uu ka jeediyay taleefishin maxalli ah ku sharaxay, in wali dabka aan la daminin, halka mas’uuliyiintana aysan soo saarin awaamir lagu daadgureynayo dadka ku nool deegaankaas.

Dhankiisa, ku xigeenka agaasimaha hay’adda sirdoonka gudaha Mareykanka ee loo soo gaabiyo FBI ayaa shaaca ka qaaday, in uu amar ku bixiyay, in ciidamo loo diro goobta toogashadu ka dhacday si ay gacan ugu geystaan.

Sidoo kale, qarax sababay dhimasho, dhaawac iyo burur hantiyadeed ayaa shalay ka dhacay gobalka Binsilfeeniya ee isla waddan Mareykanka, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas. Qaraxan oo si gaar ah uga dhaca magaalada Filadilfiya ee gobalkaas ayaa sababay dhimashada hal qof, halka labo kale oo dhaawac ahna loo gudbiyay xarumaha caafimaadka, kadib markii la soo badbaadiyay. Agaasimaha fulinta ee waaxdaas, ninka lagu magacaabo Daanyaal Makaarti ayaa sheegay, in burbur xooggan uu soo gaaray illaa shan guri oo ku yaalla waqooyiga magaalada.

Illaa iyo hadda maanan helin fahfaahin ku saabsan nooca qaraxan iyo sababta ka danbaysay, si kastaba ha ahaatee weerarrada toogashada ah ayaa aad ugu sii badanaya guud ahaan dalka Mareykanka, maadaama dadka ay si fudud ku iibsan karaan hubka.

Urur diiwaan galiya rabshadaha la xiriira hubka ayaa daaha ka qaaday, in  sanadkan miilaadiga ee 2025-ka oo kaliya dalka Mareykanka laga soo calaamadeeyay 189 toogasho wadareed, taasoo uu ururku ku macneeyay inay ahaayeen shilal ay ugu yaraan afar qof ku dhinteen ama ku dhaawacmeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.