Wednesday, July 16, 2025
HomeAll NewsDad Fara Badan oo Ku Shahiiday Duqeymo Cusub oo ay Yahuuddu ka...

Dad Fara Badan oo Ku Shahiiday Duqeymo Cusub oo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Tobaneeyo ruux oo rayad ah ayaa maanta shuhado iyo dhaawac ku noqday duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, iyadoo dagaalkan xasuuqa ah uu socdo maalintii 648-aad.

Ciidamada gumeystaha Yahuudda ayaana si gaar ah u beegsanaya guryaha rayidka iyo meelaha ay gabaadka ka dhiganayaan dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay shahiidka iyo dhaawac dad u badnaa carruur sida ay tilmaamayaan macluumaadka aan helayno.

Dhaqaatiirta caafimaadka ee marinka Qazza ayaa ka waramay, in diyaaradaha cadawga Yahuudda ay duqeyn la beegsadeen guri ku yaallla xerada qaxootiga ee Shaadhi, ee galbeedka magaalada Qazza, halkaas oo ay ku shahiideen shan qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, iyadoo dhaqaatiirta ay xuseen, inay jiraan dhowr qof oo kale oo ku hoos jira burburka dhismayaasha hoostooda. Dadka shahiiday iyo kuwa dhaawacmay ayaana loo gudbiyay Isbitaalka Al-Shifa oo ku yaalla galbeedka magaaladaasi.

Mid kamida saxafiyiinta ka soo warama marinka Qazza ayaa sheegay, in duqeymo xooggan ay diyaaradaha Yahuuddu maanta la dhaceen xaafada Azzaytuun ee koonfurta magaalada Qazza.

Ilo ku sugan Isbitaalka Al-Qudus ayaa shaaca ka qaaday, in 12 qof oo rayid ah ay ku shahideen in ka badan 30 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyadooda ay halis yihiin, kadib weerar ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xaafadda Talla-Hawaa ee ka tirsam magaalada Qazza.

Magaalada Deyrul-Balax, oo ku taalla bartamaha marinka Qazza, ilo caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka Shuhadaa’u Al-Aqsaa ayaa soo sheegay, Shahiidka saddex qof oo rayid ah iyo dhaawaca dad kale, kadib duqeymo cadawtooya oo ay Yahuuddu la eegatay goob lagu kulun sanaaa oo ku taalla bartamaha magaaladaas.

Dhinaca koonfurta marinka Qazza, ilo ku sugan isbitaalka Naasir ayaa xaqiijiyay, shahiidka 10 oo qof oo rayad ah oo u badan carruur, iyo dhaawaca dad kale weerar, kadib weerar dhanka cirka ah oo ay Yahuudda la beegsatay teendhooyin ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza. Ilaha caafimaadka ayaa ku tilmaamay, xaaladda dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay inay halis tahay.

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa warbixinteeda maalinlaha ah ee tirakoobka shuhadada iyo dhaawacyada ku sheegtay, in shahiid 120 qof iyo dhaawaca 557 kale lasoo gaarsiiyay cisbitaallada Marinka Qazza 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo xustay, in dad badan ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha la beegsaday hoostooda, iyadoo shaqaalaha rayidka ah aysan wali u suurta galin soo saariddooda.

Dhanka maydaaniga ah, ciidamada Yahuudda ayaa wajahayo iska caabin xooggan oo ay kala kulmayaaan kooxaha muqaawamada Falastiin, kuwaas oo saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ku garaacay goobaha lagu deegaameeyay Yahuudda ee u dhow marinka Qazza, iyadoo ciidamada gumaystaha ay ku andacoodeen, inay ka hortageen sawaariiqdaas.

Shalay galab ayay ahayd markii warbaahinta Yahuudda ku warrantay, in saddex askari oo Yahuud ah ay ku dhinteen mid kalena uu si xun u dhaawacmay, dagaallo ka dhacay barriga marinka Qazza, iyadoo ay jiraan warar sheegaya, in kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ay isku dayeen inay qabtaan mid kamida askarta Yahuudda intii uu socday iska horimaadka ka dhacay aaggaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.