Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado duulaanka gardarro ee uu ku hayo ehelkeenna dulmi-diidka ah ee ku nool marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo maalinkii 640-aad laga jooga tan iyo markii ay Yahuuddu jabisay xabad-joojintii marinka Qazza isla markaana ay dib u bilawday duulaankeeda cadawtooya ee ka dhanka ah xayndaabka Qazza.
Duqeymaha ay Yahuuddu fulisay saacadihii lasoo dhaafay ayaa intooda badan lala beegsaday magaalada Qazza iyo nawaaxigeeda, sida ay sheegeen hawlwadeennada caafimaadka ee ku sugan magaaladaas.
Waxaana kamida duqeymo ay ku shahiideen labo qof oo rayid ah tiro kalana ay ay ku dhaawacmeen oo ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Al-Bureyj ee bartamaha magaalada Qazza.
lix qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa sidoo kale ku shahiiday Shan iyo Toban kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu ku qaadday xarun caafimaad oo ku taalla xaafadda Arrimaal ee bartamaha magaalada Qazza, xaruntaas oo gabaad u ahayd dad barakacayaal ah, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ka hawlgasho xarunta caafimaadka Al-Shifa ee magaaladaasi.
Xogaha aan helayna ayaa intaasi ku daraya, in hal qof oo rayid ah uu ku shahiiday kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xaafadda Talla-Hawaa ee koonfur-galbeed ee magaalada Qazza.
Masaadir ku sugan cisbitaallada marinka Qazza ayaa sheegay, in Ugu yaraan 14 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymo ay Yahuuddu ka fulisay qeybo kala duwan oo ka tirsan marinka Qaza tan iyo waaberigii maanta oo Isniin ah, iyadoo 82 qof oo rayad ah ay ku shahiideen duqeymaha cirka ee ay Yahuuddu ka fulisay marinka Qazza tan iyo waaberigii Axadii, kuwaas oo inta badan ka dhacay magaalada Qazza, xerada qaxootiga ee Nuseyraat, iyo magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza.
Dhanka kale, ciidamada Yahauudda ayaa shaaca ka qaaday, in gantaal laga soo tuuray koonfurta marinka Qazza uu ku dhacay mid kamida goobaha Yahuudda lagu deegaameeyay ee u dhow marinka Qazza.
Warbaahinta Yahuudda ayaana ku warantay, in gantaalka uu haleelay goob horay ugu burburtay weerarkii duufaanta Al-Aqsa oo dayactir iyo dib u dhis lagu waday.
Sidoo kale warbaahinta Yahuudda ayaa sheegtay, in labo askari oo Yahuud ah lagu dhaawacay waqooyiga Marinka Qazza, kadib markii gaari ay saarnaayeen lala beegsaday gantaal lidka ku ah taangiyada.
Muqaawamada Falastiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraradaan, iyadoo weerarkan gantaallada ah uu noqonaya kii toddobaad oo ay fuliyaan kooxaha wax iska caabbinta ee Falastiiniyiinta tan iyo billowgii bishan.