Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ee taageerada iyo taakulayntaba ka helayo dowladda Mareykanka ayaa halkiisa kasii wada xasuuqa iyo majaasirta uu ka geysanayo xaybdaabka go’doonsan ee Qazza, iyadoo lasoo warinayo, in dad horleh ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen duqeymahaasi.
Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa kusoo waramaya, in duqeymo ay Yahuudda ka geysatay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Marinka Qazza tan iyo waaberigii maanta ay ku shahiideen 12 qof, halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.
Deegaannada ugu badnaa ee saaka marti galiyay duqeymaha cashwaa’iga ah ee Yahuudda ayaa waxaa kamida magaalooyinka Jabaliya iyo Khaan Yuunis, sida ay kusoo warameen wariyaal ku sugan marinka.
Sidoo kale hal qof ayaa ku shahiiday duqeyn ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Yahuuddu la beegsatay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla xaafadda Banii Suhayla, oo dhanka bari ka xigta magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta Marinka Qazza .
Halka duqeymo ay diyaaraha Yahuuddu ku garaaceen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee waqooyi-galbeed kaga beegan magaaladaasi, uu ku shahiiday hal ruux, halka shan kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay tibaaxeen ilo wareedyo ku sugan halkaas.
Xogaha ayaa intaasi ku daraya, in dad aan tiradooda la garanaynin ay Shuhada iyo dhaawac ku noqdeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ku qaadeen labo guri oo ku kala yaalla deegaanka Jabaliyal-Balad ee waqooyiga marinka Qazza iyo xaafadda Attufaax ee bariga magaalada Qazza.
Tirada dadka ku shahiiday duqeymaha ay Yahuuddu ka geysatay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay ayaa gaartay 44 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
Halka kooxaha gurmadka degdegga ah ee marinka Qazza ay ku hawlan yihiin sidii ay maydadka shuhdada iyo dhaawacyada uga soo saari lahaayeen burburka hoostiisa, iyagoo goorsii horaysay ku dhawaaqay, inay ku guulaysteen soo saaridda maydadka 10 ruux iyo dhaawacyada tiro kale, kadib markii gumaystaha Yahuudda uu beegsaday Iskuul gabaad u ahaa dad barakacayaal ah oo ku yaalla xaafadda Attuffaaax ee bariga magaalada Qazza .
Gumaystaha Yahuudda oo ka xun inay dadkaasi soo badbaadeen, ayaa si bareer ah u burburiyay una gubay qalabkii iyo mishiinadii cuslaa ee naadirka ku ahaa Marinka, kuwaas oo loo isticmaalayay qaadista burburka, badbaadinta dadka dhaawaca ah iyo soo faagidda dadka shuhadada ah, siada uu ku dhawaaqay maamulka Marinka Qaza.
Arimahaan ayaa kusoo aadayo, iyadoo muqaawada Falastiin ay ku dhawaaqeen, inay gacanta ku dhigeen diyaarad sahan ah oo ay leedahay Yahuudda, xilli ay howlo sirdoon ka waday hawada Magaalada Khan Yuunis, halka xaafado ka tirsana magaaladaasi ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay muqaawamada iyo gumaystaha Yahuudda, sida ay ku warameen warbaahin Yahuudda.