Tiro dad rayid ah ayaa shuhado iyo dhaawac ku noqday maanto oo Arbaco ah duqaymo wuxuushnimo oo uu maamulka Yahuudda ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla marinka Qazza, sida ay ku waramayaan warfidiyeennada Falastiiniyiinta.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFAA ayaa sheegtay, in Afar qof oo rayid ah oo ay ku jiraan 3 carruur ah ay ku shahiideen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla mukhayyamka Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza. Sidoo kale hal qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn kale oo lala beegsaday isla mukhayyamkaas.
Xogaha aan helayno ayaa intaasi ku daraya, in laba qof oo rayiid ah ay ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqayn cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay guri ku yaalla xaafadda al-As-Sabra ee koonfurta magaalada Qazza.
Dhanka Magaalada Khaan Yuunis ee Konfurta marinka Qazza waxaa lasoo sheegay, shahiidka Saddax qof oo uu ku jira ilmo 6 sano jir ah iyo dhaawaca kuwa kale, kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuuddu ay duqeymo dhowr ah ku qaadeen teendhooyin ay deganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaaladaas.
Dad goob-joogayaal ah ayaa soo sheegay, in qaraxyo xooggan laga maqlay xaafadda Az-Zaytuun ee ka tirsan magaalada Qazza, kuwaas oo ay ciidamada gumaystaha ku burburiyeen guryo la deggan yahay oo ku yaalla xaafaddaas.
Masaadir dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa shaaca ka qaaday, in 20 qof oo rayid ay ku shahiideen duqeymaha uu maamulka Yahuuddu ka fuliyay marinka Qazza tan iyo waaberigii maanta oo Arbaco ah, halka 70 qof oo rayid ah ay ku shahiideen marinka Qazza 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Geesta kale, Askari Yahuudi ah ayaa si xun u dhaawacmay kadib markii uu isku dayay in uu is dilo, sababo la xiriira xaaladaha nafsiga ah ee uu ka qaaday dagaalka Qazza, iyadoo ay sare u kacday kiisaska is-dilka ee laga soo calaamadaynayo sufuufta ciidamada Yahuudda.
Wargeyska Macaarif ee kasoo baxa gudaha Yahuudda ayaa shaaca ka qaaday, in askariga uu isku dhex toogtay gudaha saldhig tababar oo ku yaalla koonfurta dhulka ay Yahuudda gumaysiga ku haysato ee Falastiin, taas oo keentay, inuu is gaarsiiyo dhaawac halis ah.
Xaaladaan oo kale, kanaalka 12-aad ee Yahuudda ayaa shalay qoray, in askari Yahuudi ah oo ka qayb-qaatay dagaalka Qazza uu is-dilay, kaas oo noqonaya kiiskii saddexaad oo isdil ah oo laga diwaan galiya ciidamada kayyaanka Yahuudda toddobaad iyo bar gudihiisa.
Wargeyska Cibraaniga ah ee Ha’aartiz oo soo xiganaya ilo-wareedyo millateri oo Yahuudda ka tirsan ayaa sheegay, in tiro badan oo askarta is-dishay ay kala kulmeen dagaallada waxyaabo si weyn u saameeyay xaaladdooda nafsiyeed, taas oo keentay inay nafta ay isdhaafiyaan.