Thursday, May 22, 2025
HomeAll NewsDad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymaha uu Gumaystaha Yahuuddu ka Wado Marinka...

Dad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymaha uu Gumaystaha Yahuuddu ka Wado Marinka Qazza,.

Kayaanka Yahuudda ee ay dowladaha reer galbeedka ku beereen dhulka Falastiin ayaa gumaadyo horleh ka geystay marinka Qazza, kuwaas oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.

Bartamaha marinka Qazza, 10 qof ayaa ku shahiiday weerar cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay guri ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla koonfurta magaalada Deyrul-Balax. Halka ilo-wareedyo ay soo sheegeen, shahiidka hal qof, iyo dhaawaca tiro kale kadib duqeyn ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseyraad.

Wariye warbaahinta Al-Jaziiro uga soo warama Marinka Qazza ayaa sheegay, in 5 qof oo u badnaa carruur ay shahiideen kadib markii diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Safdhaawiy ee waqooyiga magaalada Qazza. Wuxuu intaasi ku daray wariyaha Al-Jaziiro, isagoo soo xiganaya dad goob joogayaal ah, in dhowr qof lagu la’yahay burburka hoostiisa.

Iyadoo Muqaallo laga soo qaaday goobta lagu arkayay, kooxaha gurmadka degdegga ah iyo kuwa caafimaadka oo burburka hoostiisa kasoo saaraya shudada iyo dhaawaca.

Dad shuhadada ah iyo dhaawacyada ayaana loo gudbiyay dhanka isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Qazza, iyadoo ay weli socdaan duqeymaha uu gumaystaha ku garaacayo deegaannadaasi.

Wararka ayaa intaasi ku darayo, in shalay maqribkii ay tiro dad ah ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ka fuliyeen xaafada Al-Karaama ee waqooyiga magaalada Qazza, kuwaas oo sidoo kale geystay sidaan wararka ku helayno, burbur hantiyadeed oo baaxad leh.

Dhanka koofurta marinka Qazza, ciidamada Yahuudda ayaa madaafiic ku garaacay bariga iyo koonfurta magaalada Khaan Yuunis, iyadoo aan lasoo sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Xogaha aan helayna ayaa intaasi ku darayo, in ciidamada Yahuudda ay go’doomiyeen isbitaalka Al-Cawda ee ku yaalla magaalada Tella-Zactar ee waqooyiga Qazza. Iyadoo dhaqaatiirta isbitaalkaasi ay sheegeen, in taangiyada Yahuudda ay rasaas ku fureen dhismayaasha isbitaalka, taas oo ay ku dhibaataynayaan bukaanada ku jira gudaha isbitaalkaas.

Ilo dhanka caafimaadka ayaa warbaahinta u sheegay, in 93 oo rayid ah ay ku shahiideen tan iyo waaberigii Arbacada duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay deegaano dhowr ah oo ku yaalla marinka Qazza.

Dhankooda, muqaawamada Falastiin ayaa galabnimadii shalay gantaallo dhawr ah ku garaacay dhulka ay Yahuudda gumaysato ee Falastiin.

Garabka milatari ee muqaawamada ayaana shaaca ka qaaday, inay gantaallo ku garaaceen magaalooyinka Usduud iyo Casqalaan ee gumaysiga Yahuudda ku jira, iyagoo ka jawaabaya gumaadka uu kayyaanka Yahuuddu ka wado marinka Qazza.

Jabhadda gudaha ee Yahuudda ayaana ku dhawaaqay, inay seeriga digniinta bixiya ka hawlgaliyeen magaalada Casqalaan iyo goobaha Yahuudda lagu deegaameeyay ee ku xeeran marinka Qazza, kadib markii gantaallo laga soo gam ay marinka Qazza, iyadoo ciidamada Yahuudda ay sheegeen, inay qabteen gantaal kusii jeeday magaalada Casqalaan.

Muqaawamada ayaa maalmahaan xoojiyay weerarrada iyo duqeymaha ay ku beegsanayaan Yahuudda, iyagoona soo bandhiga muuqaallo muujinaya khasaaraha ay gaarsiiyaan ciidamada gumaystaha Yahuudda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.