Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee uu ku xasuuqaya dad marasta ah ee ku nool Marinka Qazza, isagoo beegsanaya guryaha dadka rayidka ah, xeryaha barakacayaasha, xarumaha lagu qaybinayo cunooyinka gargaarka ah, isbitaallada, iyo meel kasta oo ay dad rayid ah ku sugan yihiin.
Subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah, saddex qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday 35 kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada guumaystaha Yahuuddu ku fureen meel u dhow xarun laga qaybiyo raashin gargaarka ah oo ku taalla galbeedka magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qazza.
Waana isla xaruntii ay agagaarkeeda ciidamada Yahuuddu shalay ku xasuuqeen inka badan 30 qof oo rayad ah, kuna dhaawaceen Tobanaan kale, sida ay xustay wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ee marinka Qazza ayaa maydadka lix shahiid ka soo saaray burburka guri saddex dabaq ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nusayraat ee bartamaha marinka Qazza, kaas oo ay duqeeyeen ciidamada guumaystaha Yahuuddu, kuwaas oo sare u qaaday burburinta dhismooyin ay dagan yihiin dadka rayidka ah.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaana dhibaato xooggan kala kulmay soo saarista dhaawacyada iyo meydadka shuhadada iyadoo ay ugu wacan tahay duqeymaha Yahuudda oo kuwa xiriir ah iyo agabka oo aad u yar.
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa sidoo kale burburiyay Masjidka lagu magacaabo Ansaar oo ku yaalla Deyrul-Balax, iyagoo masjidka la beegsaday saddex gantaal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA.
Wakaaladda ayaa intaa ku dartay, in ciidamada Yahuudda ay madaafiic ku garaaceen mandiqadda Al-Saftadhaawiy ee magaalada Qazza, taas oo horay u marti galisay dhow xasuuq oo ay dad badan oo rayid shuhado iyo dhaawac ku noqdeen.
Afar qof oo rayid ah oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku shahiiday, Tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidamada Yahuuddu galabnimadii shalay ku garaaceen teendhooyin ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yunis, ee koonfurta Marinka Qazza.
Yahuudda ayaa sidoo kale madaafiic ku qaaday bariga magaalada Qazza, halka diyaaradaheeda dagaalkana ay dhowr jeer duqeymo ka geysteen deegaannada dhaca waqooyi galbeed ee Khaan Yuunis, iyadoo aan saxaafadda lala wadaagin khasaaraha ka dhashay hawlgaladaas.
Gumaystaha Yahuudda ayaa sii laba jibaaray gabood fallada uu ka gaysanayo dhulka barakaysan ee Falastiin, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay Tobanaan Yahuudda xoogga loogu deegaameeyay magaalada Qudus ay xoog ku galeen Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa iyagoo ilaalo xooganna ka helayay booliiska Yahuudda.