Marinka Qazza ayaa waxa uu la ildaran yahay masiibo bini’aadantinimo oo aad u daran tan iyo markii uu kayyaanka Yahuudda xiray dhamaan marinnadii wax laga soo galin lahaa bishii Maarso ee la soo dhaafay, isaga oo ka hor istaagtay, waxyaabihii as-aasiga u ahaa noolasha dadkaas, sida cunnada, dawada, gargaar iyo shidaal, halka milatariga Yahuudana uu sare u qaaday ololahiisa xasuuqa ah ee uu ku hayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool dhulkaas.
Waabarigii hore ee maanta oo Khamiis ah, in ka badan Toban iyo Saddax qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday, halka ku dhawaad Labo Boqolna ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada gumeystaha Yahuuddu ku fureen dad gargaarka raashin ah raadinayay oo ku sugnaa agagaarka xarun lagu qaybiyo gargaarka oo ku taalla koontaroolka Natsaariim ee bartamaha marinka Qazza. Isla xaruntaas Shalay oo Arbaca ahayd, waxaa ku shahiiday Labaatan iyo Siddeed qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen Tobaneeyo kale.
Ciidanka Yahuudda ee duulaanka gardarrada ah ku jooga marinka Qazza ayaa sii wada beegsiga joogtada ah ee ay ku hayaan dadka gargaar doonka ah ee ku sugan marinka Qazza. Konton iyo toddoba qof oo rayid ah ayaana ku shahiiday Arbacadii shalay iyagoo isku dayayay, inay cunto ka helaan xarun la sheegay in lagu qaybiyo gargaarka bani’aadantimo oo ku taalla koonfurta marinka Qazza.
Marka tiradaasi lagu biiriyo dadka shacabka ah ee ku shahiiday Marinka Qazza tan iyo waaberigii Arbacadii shalay ayaa gaaray Siddeetan qof, kuwaas oo dhamaantood ku baxay rasaasta iyo duqeymaha laayaanka ah gumaystaha Yahuudda.
Dhankeeda, Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa ku dhawaaqday, in dhiig la’aan aad u daran ay ka jirta xarumaha caafimaadka ee marinka Qazza, sababo la xiriira tirada sii kordheysa ee dhaawacyada iyo awoodda ay u leeyihiin Falastiiniyiinta inay tabarucaan dhiig oo hoos u dhacday nafaqo darro awgeed.
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo xarumaha caafimaadka ee marinka Qazza ay ka jiraan dawo yari iyo la’aanta qalabkii muhiimka u ahaa isbitaallada. Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaana warbixinteedii ugu dambeysay ee bishii Abriil ku sheegtay, in in ka badan boqolkiiba Soddon iyo Todobo liiska dawooyinka muhiimka ah iyo boqolkiiba Konton iyo Sagaal sahayda caafimaadka aan la heli karin.
Horaantii Arbacadii, wasaaraddu waxay sheegtay in boqollaal bukaan iyo dhaawac ah oo ku jira isbitaallada fara ku tiriska ah ka haray duqeymaha Yahuudda ay la ildaran yihiin daweyn la’aan iyadoo ay ugu wacan tahay xaalufka ba’an ku dhacay adeegyadii caafimaad ee marinka Qazza.
Tan iyo markii ay xasuuqa ka bilaabeen Marinka Qazza 7 Oktoobar, sanadkii 2023-ki, ciidamada gumaystaha Yahuudda waxay si ula kac ah u bartilmaansadeen isbitaallada Qazza iyo nidaamka daryeelka caafimaadka, iyaga oo intooda badan ka saaray adeegii, halisna geliyey nolosha bukaannada iyo kuwa dhaawacmay.