Milateriga Yahuudda ayaa bilaabay duqeymo madaafiic ah iyo weerarro xagga cirka ah kadib markii ay Jimcihii ku dhawaaqeen inay ballaariyeen xasuuqa ay ka wadaan Marinka Qazza, iyadoo barac baasan laga soo sheegayo waqooyiga marinka Qazza, kadib markii ay Yahuuddu dhawaan halkaasi ka geysatay majaazir iyo xasuuqyo cadawtooyo.
Wararka maanta naga soo gaaraya Marinka Qazza ayaa ku waramaya, in labo qof oo rayid ah ay ku shahiideen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu ka geysteen bariga magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.
Iyadoo intaasi lagu darayo dad goobjoogayaal ah oo ku waramay, in madaafiic isdaba joog ah iyo rasaas ay ciidamada gumeystaha Yahuuddu ku garaaceen deegaan dhaca koonfurta magaaladaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay weeraradaas.
Waqooyiga Marinka Qazza, waxa laga soo sheegayaa, shahiidka saddex qof iyo dhaaca tiro kale, kadib markii diyaaradaha Yahuuddu ay duqeeyeen guri ku yaalla deegaanka Talla-Zactar ee waqooyiga Marinka Qazza. Duqeymaha ayaa sidoo kale waxyeelo gaarsiisay Isbitaal lagu magacaabo Al-cawda oo ku yaalla deegaankaasi.
Geesta kale, manaadiq ka tirsan waqooyiga Marinka Qazza ayaa waxaa Jimcihii ka dhacay barakac ballaaran, kadib markii kayyaanka Yahuudda uu xasuuqyo cadawtooyo ka geystay deegaanadaas, kuwaas oo sababay shahiidka 100 qof, oo ay ku jireen haween iyo carruur, iyo dhaawaca tobaneeyo kale, kuwaas oo ku waxyeeloobay madaafiic iyo duqeymo xagga cirka ah oo ay ciidamada Yahuuddu ku garaaceen dagmooyin iyo deegaanno ku yalla waqooyiga marinka Qazza, iyagoo si gaar ah u bartilmaameedsanayay xaafadaha ay dadku ku badan yihiin.
Waxaana lagu soo waramayaa, in boqolaal qoys ay isaga qaxeen illaa 5 xaafadood oo ku yaalla waqooyiga magaalada Bayt Lahiya, iyadoo ay jirto burbur baahsan iyo gaadiid la’aan. Dad badan ayaana lagu qasbay inay qaxaan iyagoo lukaynayo, halka qaar kalana ay isticmaalayeen gaari-dameerro aan tiro badan qaadi karin.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in dadka barakacayaasha ah lagu qasbay, inay si degdeg ah uga baxaan guryahoodii ama mukhayyamaadkii ay ku noolaayeen iyaga oo aan qaadan wax alaab ah kana cabsi qaba inay dhacaan kuwa la mid ah duqeymhii ay Yahuuddu heenkii Jimcaha uu soo galayay la beegsaday 11 guri oo ku yaalla deegaanno kala duwan oo ka rirsan waqooyiga Marinka Qazza, kuwaas oo shuhado iyo dhaawac ku noqdeen tobanaan qof oo shacab ah.
Arimahaan murugada badan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam uu isaga damaanshaadayo gobolka, isagoo oo ah mujrimka ugu wayn ee kayyaanka Yahuudda ku garabtaagan xasuuqa uu ku hayo ehelkeenna reer Falastiin. Taraam ayaana boqasha ku tagay Sucuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, waxayn dhamaan dalalkaasi ku soo dhaweeyeen calaymo qoyan, taas oo muujinaysa in madaxda dowladaha carabta aysan waxba ka sokeynin Yahuudda xasuuqaysa reer Falastiin.