Duqeymaha gumaystaha Yahuudda ee ka dhanka ah Marinka Qaza ayaa ah kuwa aan kala joogsi lahayn tan iyo markii ay Sahaayinada Yahuudda jabisay heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee ay kala saxiixdeen iyada iyo muqawada Falastiin, iyadoo sacadihii lasoo dhaafay uu gumaystuhu geystay xasuuqyo ay ku dileen dad shacab ah, kuna burburburiyeen guryihii dadkaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya, in laba qof ay ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay diyaaraha Yahuudda fiidnimadii xalay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat ee bartamaha marinka Qaza. Halka qof dumar ah ay ku shahiiday duqeyn ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen teendho ku taalla deegaanka Al-Mawasi ee galbeedka Khan Yuunis.
Dhanka Koonfurta marinka Qaza ciidamada gumeystaha ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday xaafadda Al-Amal ee dhanka galbeed kaga beegan Khan Yuunis, iyagoona silsilado weerarro ah la beegsaday deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Rafah iyo Khan Yuunis, balse lama soo sheegin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.
Magaalada Rafah ee isla Koonfurta marinka Qaza, dad goob joogayaal ah ayaa daaha ka qaaday, in ciidamada Yahuudda ay helayaan bambaanooyin waaweyn inta ay ku guda jiraan howlgalladooda milateri ee ay ka wadaan magaaladaasi, taas oo ay gabi ahaanba go’doomiyeen muddo toddobaad ka badan.
Khaliil Al-Rayes oo ka mid ah dadka ka soo barakacay degmada Rafah kuna nool deegaanka Mawaasi ee u dhow magaalada ayaa sheegay, in uu maqlayay dhawaqa qaraxyo waaweyn oo xilliyo kala duwan ka dhacayay magaalada, kuwaas oo u ekaa dhul gariir oo ay la socdaan holac iyo qiiq. Wararka ayaa tilmaamaya, in ciidamada Yahuudda ay qaraxyadasi ku burburiyeen xaafado ka tirsan magaalada Rafah.
Arimahaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo muqaawada Falastiin ay xaqiijisay Talaadadii shalay, in Yahuudda ku kacday xad gudub cusub oo ka dhan ah maxaabiisteeda ku xiran marinka, taas oo ay waxyeello kasoo gaartay maxbuus lagu magacaabo Maxamed al-Natsheh, waxaana sii xumaanaysa xaaladiisa caafimaad.