Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsDad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Dad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Muslimiinta ku dhaqan marinka Qazzaa ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah sagootiyay dad badan oo ku shahiiday Marinka Qazza, kadib duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen dhowr goobood oo ka tirsan marinka go’doonsan ee Qazza, oo ay ugu horeeyaan teendhooyinka ay ku nool yihiin dad barakacayaasha ah.

Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan magaalada Qazza ayaa sheegay, in 7 qof oo rayid ah ay ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu ku qaaday teendho ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla dekadda magaalada Qazza. Dhaawacyada iyo Meydadka Shuhadada ayaana loo gudbiyay Isbitaalka Al-Shifa ee magaaladaasi.

Saxafi ka hawlgalo marinka Qazza oo soo xiganaya ilo dhanka caafimaadka ah ayaa sidoo kale sheegay, in hal qof oo shacab ah uu shahiiday kuwa kalana ay dhaawacmeen kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah oo ay leedahay Yahuuddu ay duqeysay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Toban qof oo rayid ah oo ay ku jireen carruur ayaa ku shahiiday qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Yahuuddu leedahay la beegsatay teendho ku dhex taallay iskuul ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Ciidamada Yahuudda ayaa duqeymo cirka ah oo ay madaafiic barbar socdtay ku qaaday magaalooyinka Bani Suhayla iyo Cabasaan Al-Kabirah oo dhanka bari kaga beegan magaalada Khaan Yuunis, saxaafaddana lalama wadaagin khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Dad shacab ah oo aan tiradooda la garanaynin ayaa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa meel ku dhow agagaarka Isgoyska Nabulsi ee galbeedka magaalada Qazza, sida ay soo sheegeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa halkaas.

Ilo wareedyo ku sugan Isbitaalka Al-Shifa ee magaalada Qazza ayaa warbaahinta u sheegay, in 8 qof ay ku shahiideen tiro kalena ay ku dhaawacmeen maalintii shalay duqeyn cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay dad barakacayaal ah oo ku sugnaa xaafadda Arrimaal ee magaaladaasi, halkaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan qof oo ka soo barakacay deegaanno kala duwan oo ka tirsan magaalada Qazza iyo waqooyiga Marinka Qazza.

Dhanka kale, ciidamada kayyaan Yahuudda ayaa mamnuucay in lasoo galo goobaha gargaarka laga qaybiyo, halkaas oo ay maalmahaan ku xasuuqayeen dad marasta ah.

Af-hayeen u hadlay ciidamada Yahuudda ayaa bartiisa “X” soo dhigay habeenkii xalay, in ay jareen waddooyinka gala xarumaha lagu qeybiyo gargaarka raashinka, kuwaas oo uu sheegay, in loo arko goobo dagaal, isagoona tibaaxay, in si adag loo mamnuucay in lasoo galo goobaha wax lagu qeybinayo.

Arrintan ayaa timid kadib markii Yahuuddu ay weerarro isdaba joog ah ku qaadday agagaarka xarumahaas, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca boqolaal shacab ah oo an waxba galabsanin.

Talaadadii shalay, 27 qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday Tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen  xasuuqyo ay Yahuuddu ka geysatay agagaarka xarumahaas ku yaalla galbeedka magaalada Rafax ee koonfurta marinka Qaza, halka ciidamada Yahuuddu ay qirteen inay si bareer ah ay rasaasta ugu fureen dad rayidka ah, iyagoo ku andacooday inuu amnigooda khatar gali lahaa hadaysan saas samaynin, taas oo muujinayso damiir xumada iyo xiqdiga ku jira kayyaanka Yahuudda ee lagu beeray waddanka Muslimka ah ee Falastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.