Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsDad Horleh oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Dad Horleh oo Ku Shahiiday Duqeymo ay Yahuuddu ka Fulisay Marinka Qazza.

Gumaystaha xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa sii wada gumaadka iyo umul dooxa uu ka geysanayo xayndaabka go’doonsan ee Qazza, iyadoo ay dhanka kalana dagaalyahannada muqaawamada Falastiin fulinayaan weerarro lagu dhiig-bixinayo askartiisa ku sugan jiidda Qazza.

Wararka ka imaanaya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in Afar qof oo rayid ah ay ku shahiideen, dhowr qof oo kalana ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada guumeystaha Yahuuddu ku fureen dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen xarun gargaar rashin ah lagu qaybiyo oo ku taallo galbeedka magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qazza.

Kooxaha gurmadka degdegga ah ee marinka Qazza ayaa tobeeyo dhaawac ah u qaaday isbitaalka Naasir iyo isbitaalada kale ee ku yaalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta Marinka Qazza.

Sidoo kale, Lix qof oo rayid ah ayaa xalay ku shahiiday duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay magaalooyinka Qazza iyo Deyrul Balax.

Gumaystaha Yahuudda ayaa galinkii danbe ee shalay oo Axad ahayd marinka Qazza ka geystay xasuuqyo wuxuushnimo oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad badan oo shacab aan waxba galabsanin ah.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in Isbitaalka Al-Cawda ee Marinka Qazza oo kaliya la gaarsiiyay shahiid Toban qof iyo Kow qof iyo dhaawaca Sodon iyo Shan kale kadib duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ka geysteen bartamaha marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda ayaa sii wada duqeymaha uu ku hayo dadka gargaar doonka ah ee ku sugan dhowr goobood oo ka tirsan marinka Qazza, iyadoo ay sii xumaanayso macluusha ka dhalatay go’doominta joogtada ah ee Yahuudda iyo ka hortagga gargaarka bini’aadantinimo ee soo gali la ahaa marinka Qazza.

Xafiiska Warbaahinta ee maamulka Marinka Qazza oo tirakoob ku samaynayay dadka ku shahiiday ama ku dhaawacmay xurumaha huwan magaca gargaarka ayaa sheegay, in Saddax Boqol oo rayid ah ay ku shahiideen xurumahaas, Labo Kun, Lix Boqol, Afartan iyo Sagaal kalena la dhaawacay, halka sagaal kalena la la’yahay tan iyo 27-kii bishii Meey, dadkaas shahiiday ama dhaawacmay ayaana isku dayay inay gaaraan xarumaha cuntada lagu qeybiyo ee ay Falastiiniyiintu u bixiyeen “Dabinada Maraykanka iyo Yahuudda”.

Isku soo duubo, tirada dadka ku shahiiday duqeymaha iyo rasaasta ciidamada Yahuudda tan iyo waaberigii Axaddii shalay ayaa gaartay Konton iyo Labo qof oo ay ku jireen Todobo iyo Toban ka mid ah dadka gargaar doonka ah, sida ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ay la wadaageen warbaahinta.

Dhankooda muqaawada Falastiin ayaa sheegay, inay markala duqeymo ku garaaceen goobaha Yahuudda lagu deegaameeyay ee ku dhow marinka Qazza, iyagoo sidoo kale sheegay, in dagaalyahanadooda ay galabnimadii shalay gantaal la beegsadeen askar Yahuud ah oo ka koobnaa 11 askari, kuwaas oo ku lugaynayay deegaanka Caabasan ee bariga magaalada Khaan Yuunis.

Garabka millatari ee muqaawamada ayaana xaqiijiyay, in askartii la beegsaday ay u qaybsameen dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale, saacadihii lasoo dhaafay, Afhayeen u hadlay ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in taliye cutub looga dilay  dagaalloo ka dhacay Qazza.

Ciidamada Yahuudda ee duulaanka kusoo qaaday marinka Qazza ayaana wajahaya iska cabin xooggan oo uga imaanayso dhinca dagaalyahannada muqaawamada Falastiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.