Gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah ka fuliyay xaydaabka go’doonsan ee Qazza, Iyadoo malintii 55-aad laga jooga tan iyo markii uu jabiyay hasheeskii xabad-joojinta ahaa ee uu la galay muqaawamada Falastiin, isagoona dib u bilaabay duullaankiisa iyo xasuuqyadiisa isir-sifaynta ku salaysan ee ka dhanka ah shacabka ku nool marinka Qazza.
Wararka aan maanta ka helayno marinka Qazza ayaa ku waramaya, in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuuddu ay duqeymo xooggan ku garaacday teendho ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza , halkaasi oo ay ku shahiideen 8 qof shacab ah oo ay ku jireen saddex carruur ah iyo labo haween ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, oo iyagana ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsanin.
Dhanka magaalada Qazza , waxaa ku shahiiday laba qof oo rayid ah, halka qaar kale oo ay carruur ku jiraana ay ku dhaawacmeen, Kadib markii uu gumaystaha Yahuuddu duqeymo la beegsaday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad ku barakacay galbeedka magaaladaas.
Isla Magaalada Qazza, hal qof ayaa ku shahiiday, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ay Yahuuddu la eegatay guri ku yaalla xaafadda Sheekh Ridwaan ee magaalaasi, iyadoo dhakhaatiirta ka howlgasha xarunta caafimaadka ee Al-Shifaa ay xaaladda dadka dhaawaca ah ku tilmaameen mid dhexdhexaad ah.
Dhanka bartamaha marinka Qazza , ilo wareedyo ayaa soo sheegay shahiidka afar qof oo shacab ah iyo dhaawaca tiro kale oo iyagan rayid ah, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqaymo ay diyaaraha gumaystaha Yahuuddu ka fuliyeen koonfurta magaalada Deyrul-Balax.
Haddaan intaasi kaga gudubno duqeymaha dhanka cirka ah, Hay’ad sheegato inay u dooda xuquuqda aadanaha ayaa tibaaxday, in marinka Qazza ay ka socdaan mowjado dhimasho ah oo qarsoon, kuwaas oo galaaftay nolosha tiro sii kordhaysa oo isugu jira waayeello iyo carruur, iyadoo xustay, in dhimashadan sii kordhaysa ay sabab u tahay xaaladaha nololeed ee dilaaga ah ee uu kayyaanka Yahuuddu ku soo rogay dadka ku nool Marinka Qazza.
Hay’addan ayaana shaacisay, in 14 qof oo waayeello ah ay ku dhinteen magaalada Qazza oo kaliya muddo toddobaad gudihiis ah, sababo la xiriira gaajada iyo go’doominta adag ee ay Yahuuddu kusoo rogtay xayndaabka Qazza, iyadoo ka digtay dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee Qazza , taas oo gaartay heerar masiibo ah oo saameysay dhammaan qaybaha bulshada.
Ciidamada Yahuudda ayaa tan iyo 2-dii bishii Maarso ee ina dhaaftay xisaar guud kusoo rogay marinka Qazza, taas oo keentay, in macluul aad u daran ay ku baahdo xayndaabka ayna tobanaan qof u geeriyoodaan gaajo darteed.