Saturday, July 12, 2025
HomeAll NewsDad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Fuliyay Marinka...

Dad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Fuliyay Marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado duqeymaha cadawtooya ee uu ku xasuuqaya dadka rayidka ah ee ku nool xayndaabka go’doonsan ee Qazza, isagoo si gaar ah u bartilmaameedsanaya goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Wararka maanta oo Khamiis ah naga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in 13 qof oo rayid ah ay ku shahiideen, tiro kalana ay dhaawacmeen duqeymo uu gumaystaha Yahuuddu ku qaaday waqooyiga magaalada Qazza subaxnimadii hore ee maanta.

Dadka shuhadada iyo dhaawacyada ayaana loo gudbiyay xarunta caafimaadka ee AShifa ee magaalada Qazza, iyadoo shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha gurmadka deg-degga ah ay weli wadaan baadigoobka dadka lagu la’yahay burburka hoostiisa.

Shaqaalaha caafimaadka ee Qazza ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday, inay u suurtagashay soo saarista mayda qof shacab ah oo ku shahiiday duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xaafadda Attuffax ee bariga magaalada Qazza.

Shaqaalaha caafimaadka ee magaalaada Qazza ayaa intaasi ku daray, in ku dhawaad ​​20 qof ay wali ku hoos jiraan burburka hoostiisa, iyadoo howlaha samata bixinta ay soo food saartay dhibaato weyn oo ka dhalatay duqeymaha Yahuudda oo socda iyo la’aanta qalabkii loo baahnaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in 5 qof oo rayid ah ay ku shahiideen qaar kale oo ay carruur ku jiraana ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen gaari ay leedahay hay’ad samafal ah, kaas oo gargaar iyo raashin u fidinayay dad barakacayaal ah oo marayey wadada An-Nafaq ee magaalada Qazza.

Wakaaladda wararka Falastiinyiinta ee WAFA ayaa ku warantay, in 7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween ay ku shahiideen duqeymo uu gumaystaha Yahuuddu la beegsaday labo goobood oo ku yaalla deegaanka Jabaliyal-Balad ee waqooyiga marinka Qazza.

Wakaaladda ayaa intaasi ku dartay, in nin iyo xaaskiisa oo uur leh ay ku shahiideen tiro kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuuddu ay duqeysay dad shacab ah oo ku sugnaa koonfurta magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa sheegtay, in 63 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymahii ay Arbacadii shalay Yahuuddu ka geysatay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo 600 oo maalmood laga jooga tan iyo markii uu gumastaha Yahuuddu bilaabay dagaalka xasuuqa iyo isir-sifaynta ku salaysan ee uu ka wado marinka Qazza, isagoo xiray isgoysyada laga soo galo xayndaabka, kana hortagay in gargaar uu soo galo marinka Qazza, taas oo keentay xaalad macaluul ah oo ku baahday guud ahaan marinka, isla markaana galaaftay nolosha dad u badnaa haween iyo carruur marka laga soo tago duqeymaha laayaanka ah ee uu gumaystaha Yahuuddu ka wado marinka Qazza

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.