Sunday, April 27, 2025
HomeAll NewsDad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Geystay Marinka...

Dad Horleh oo ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Geystay Marinka Qazza.

Gumeystaha Yahuudda ayaa sii wada duullaanka gardarrada ah ee ka dhanka ah Marinka Qazza, kaas oo gaalay maalinkiisii afartanaad tan iyo markii uu jabiyay heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee uu la galay muqaawamada Falastiin, waxaana lasoo tabinayaa, in dad hor leh ay maanta shuhado iyo dhaawac ku noqdeen duqeymahaasi catawtooyo, iyadoo ciidammada gumaystaha ay weli sii wadaan inay barakiciyaan dadka rayidka ah ee ku nool marinka.

Magaalada Qazza ayaana maanta marti galisay duqeymaha ugu badan ee ay geysanayeen diyaaradaha Yahuudda, kuwaas oo aroornimadii hore ee saaka weerarro isdaba joog ah oo dhanka cirka ah ku qaaday xaafado kala duwan oo ka tirsan magaaladaasi.

Ilo wareedyo ku sugan magaaladaas ayaana kusoo waramay, in 4 qof ay ku shahiideen, halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen guri ku yaalla xaafada Asabra ee Koonfurta magaalada Qazza.

Oroornimadii hore ee maanta, diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada ayaa sidoo kale duqeeyay guri ku yaalla mukhayyamka Shaadhi ee galbeedka magaalada Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday saddex qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Shalay oo Jimce ahayd, diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa beegsaday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla mandiqadda Yarmuuk ee bartamaha magaalada Qazza, halkaas oo ay ku shahiideen saddex qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaana lasoo warinayaa in wadarta guud ee dadka ku shahiiday duqeymihii ay shalay Yahuudda ka fulisay Marinka Qazza ay gaarayaan 48 qof, oo ay ku jiraan 19 qof oo ku shahiiday laba weerar oo lagu qaaday laba guri oo ku kala yaalla deegaannada Murtaja iyo Al-Fakhaari ee magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta marinka Qazza.

Xaaladahaan murugsay ayaa imaanay, iyadoo ciidamada Yahuuddu ay ku hanjabeen inay weerari doonaan xaafado badan oo ka tirsan magaalada Qazza.

Waxayna ku amreen dadka degan xaafadaha Turkamaan, Al-Jadidah iyo waqooyi bari ee xaafadda Az-Zaytuuun inay u baxaan dhanka galbeedka magaalada Qazza, iyagoo ku andacoonaya in dagaalyahanada iska caabinta Falastiiniyiinta ay weerarro ka soo qaadayaan dhexdooda.

Gumaystaha Yahuudda ayaana horey kumanaan Falastiiniyiin ah uga barakiciyay xaafado ka tirsan bariga magaalada Qazza gaar ahaan Shujaaciyah iyo Attuffaax, waxayna kumannaan kale ku khasbeen inay ka qaxaan magaalada Bayt Xanuun iyo deegaanada deriska la ah ee waqooyiga Marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.