Gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo cusub ka geystay marinka Qazza, isagoo bartilmaameedsaday teedhooyinka barakacayaasha, xarumaha caafimaadka, suuqyada ay dadku ku badan yihiin, guryaha dadka rayidka ah iyo goob kasta oo ay shacabka ku kulansanyihiin, taas oo qayb ka ah qorshahiisa isir-sifaynta ku salaysan ee ka dhanka ah muslimiinta reer Falastiin.
Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa kusoo waramay, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gumaystaha Yahuudda ay duqeymo xooggan ku garaaceen teendho ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday qoys dhan oo Falastiini ah, kuwaas oo kala ahaa aabihii qoyskaas, xaaskiisa, iyo laba gabdhood oo ay dhaleen.
Iyadoo intaasi lagu darayo dhaawaca Saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqeyn ay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuuddu ay la beegsatay guri ku yaalla magaalada Cabasaan al-Kabira ee bariga magaalada Khaan Yuunis.
Sidoo kale, diyaaradaha cadawga Yahuudda ayaa duqeymo la eegtay guri ku yaalla deegaanka Al-Faluuja oo dhanka galbeed ka xiga mukhayyamka Jabaaliyaa, halkaasi oo ay ku shahiideen afar qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo iyagan ah rayid aan waxba galabsanin.
Gumaystaha Yahuudda ayaa galinkii danbe ee shalay duqeymo culus la eegtay isbitaal ku yaalla deegaanka Al-Fakhaari, oo u dhow magaalada Khan Yuunis, Ilo dhanka caafimaadka ah ayaana wakaalada wararka ee Anaadool u xaqiijiyay, in lix qof oo shacab ah ay ku shahiideen isbitaalkaasi, halka tiro badanna ay ku dhaawacmeen, kuwaas iyagana ahaa dad rayid ah.
Duqeymaha joogtada ah ee uu gumaystaha Yahuuddu ka geystay deegaanno kala duwan oo ku yaalla Marinka Qazza ayaa sababay shahiidka 40 qof oo rayid ah tan iyo waaberigii Talaadada.
Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo muqaawamada Falastiin ay galabnimadii shalay sheegeen, inay duqeeyeen tiro kamid ah magaalooyinka iyo deegaanada ku xeeran marinka Qazza ee ay Yahuuddu xogga ku haysato.
Garabka malari ee muqaawamada ayaana shaaca ka qaaday, inay gantaallo ku garaaceen magaalooyinka Usduud, Casqalaan, Sadiiroot iyo goobaha Yahuudda lagu deegaameeyay ee ku dhow marinka Qazza, iyaga oo ka jawaabayo xasuuqa uu kayyaanka Yahuuddu ka waddo marinka Qazza.
Ciidamada Yahuudda ayaana xaqiijay inay gantaalladaasi u talaabeen gudaha dhulka ay gumaysiga ku haystaan ee Falastiin, iyagoo ku andacooday, inay labo gantaal qabteen, mid saddaxaadna uu ku dhacay meel banaan ah, balse saariga digniinta bixiya ayaa laga maqlay manaadiq badan oo ku xeeran marinka Qazza, iyadoo shacabka Yahuudda ee halkaasi xoogga loogu deegaameeyay ay ku carareen godadka ay kaga dhuumaalaystaan gantaallada.