Boqallaal dad ah oo ka careysan burburin ay Dowladda Fedaraalka ku heyso guryahooda ayaa kasoo horjeestay arrintaan.
Dadkaan oo ku dhaqan deegaanka Siinka-dheer ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, in muddo laba maalmood ah bururin lagu wado guryahooda.
Dowladda Fedaraalka ayay sheegeen iney burburintaan ku heyso, iyagoona si cad u sheegay in Talyaaniga oo horay ugu soo duulay ay iska dhiciyeen haddana aysan yeeli doonin in dad tuugo ah ay guryahooda dhacaan sida ay hadalka u dhigeen.