Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya dhulboobka ay ku hawlan tahay Dowladda Fedaraalka ee ay kula kaceyso dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Qoysas ku nool xaafadda Buulo-Weekiyo ee katirsan degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir, ayaa ka cabanaya xubno katirsan Dowladda Fedaraalka oo usheegay in guryahooda la burburinayo.
Waxay sheegeen iney dhulkan deganaayeen tan iyo xilligii ay jirtay dowladdii Millateriga ee uu madaxda ka ahaa kaligii taliye Maxamad Siyaad Barre.