Thursday, June 26, 2025
HomeAll NewsDad ku Shahiiday Duqeymaha Qazza iyo Askar Yahuud ah oo Lagu Weeraray...

Dad ku Shahiiday Duqeymaha Qazza iyo Askar Yahuud ah oo Lagu Weeraray Magaaladaas.

Diyaaradaha dagaalka ee cadawga Yahuudda ayaa barqonimadii maanta duqeeyay iskuul iyo teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku kala yaalla magaalooyinka Qazza iyo Khaan Yuunis, halkaasi oo ay ku shahiideen dhowr qof, halka ay ku dhaawacmeen Tobaneeyo kale.

Ilo wareedyo ku sugan Isbitaalka Al-Shifa ayaa sheegay, in shan qof ay ku shahiideen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Yahuuddu maanta ku qaadday madarsad lagu magacaabo Camr Binul-Caas, taas oo hoy u ahayd dad barakacayaal ah oo ku sugnaa xaafadda Sheekh Ridwaan ee galbeedka magaalada Qazza.

Duqeynta madarsadan ayaa timid abaare laba saacadood kadib markii weerar cirka ah ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen guri ku dhow Iskuulka Arruum ee koonfur-galbeed ee magaalada Qazza, TV-ga Al-Aqsa ayaa sheegay, in duqeyntaasi ay sababtay shahiidka lix ruux iyo dhaawaca dad kale.

Goor sii horaysay oo maanta ah, diyaaradaha Yahuudda ayaa beegsaday teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza, halkaas oo ay ku shahiideen shan qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah.

Xarunta caafimaadka ee Naasir ee magaalada Khaan Yuunis ayaa sheegtay, in xarunta lasoo gaarsiiyay shahiidka hal qof  iyo dad dhaawac ah, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqeymo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ka fuliyeen galbeedka magaaladaasi.

Bartamaha Marinka Qazza, ilo ku sugan Isbitaalka Al-Cawda ayaa soo sheegay shahiidka hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca dad kale, kuwaas oo ay ciidamada Yahuuddu duqeymo kula beegsadeen waqooyiga xerada qaxootiga ee Nuseyraat.

Dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waabarigii maanta oo Khamiis ah ayaa gaaraya ku dhawaad 20 qof, halka 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xayndaabka go’doonsan ee Qazza ku shahiideen 78 qof oo rayid ah, sida ay tibaaxeen masaadir dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza.

Geesta kale, muqaawamada Falastiin ayaa war kasoo saartay weerarkii shalay ka dhacay koonfurta Marinka Qazza, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen inka badan 20 askari oo Yahuudda ah. Abuu Cubeyda, oo ah afhayeenka muqaawamada Falastiin ayaa sheegay, in kayyaan Yahuudda uu khiyaanayo dadkiisa, iskana indha tirayo in uu askartiisa ku dhex tuuro haadaamaha iyo godadka marinka Qazza, isagoo ka leh ujeeddooyin siyaasadeed oo dhalanteed ah.

Qoraallo dhowr ah oo uu soo dhigay bartiisa Telegaraam-ka ayuu ku nuux-nuux saday Abuu Cubeyda, in dagaalyahanadooda ay tusaalooyin gaar ah u yihiin geesinimada iyo naf hurka, “kamaa’innadii dhawaan dhacay waxay ahaayeen sawirro taariikhi ah oo toos ah oo cadeynaya in dagaalyannadeenna ay yihiin kuwa ugu geesisan uguna dhiirran halgamayaasha casrigaan raadinaya xoriyada”. Ayuu yiri afhayeenka muqaawamada Falastiin Abuu Cubeyda.

Afhayeenka muqaawamada Falastiin ayaa wacad ku maray in meydadka iyo aaska askarta cadawgu ay noqon doonaan mid joogto ah illaa inta uu sii socdo dagaalka gardarada ah ee gumaystaha ku hayo Falastiin iyo shacabkeeda.

Shalaya yay ahayd markii ciidamada Yahuudda ay qirteen, in dagaallo ka dhacay magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta marinka Qazza looga dilay 7 askari oo mid uu ahaa sarkaal, halka looga dhaawac 17 kale oo askar Yahuud ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.