Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsDad ku Shahiiday Duqeymo ka Dhacay Qazza iyo Muqaawamada oo Weerar Fulisay.

Dad ku Shahiiday Duqeymo ka Dhacay Qazza iyo Muqaawamada oo Weerar Fulisay.

Gumaystaha Yahuudda ayaa duqeymo cusub oo ay shuhaado iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah ka fuliyay marinka Qazza, inkasta oo uu hoos u dhacay gumaadkiisa ka dhanka ah marinka Qazza, sababo la xiriira dagaalka ka dhex aloosan isaga iyo dowladda Iiraan.

Guud ahaan dadka marinka Qazza ku Shahiiday saacadihii hore ee maanta oo Axad ah waa saddax Qof, kuwaas ciidamada Yahuudda ay rasaas ku fureen xilli ay cunno gargaar ah ku sugayeen bartamaha marinka Qazza, halka ay jiraan kuwa kale oo aan tiradooda la shaacin, oo  sibaa kala duwan ugu dhaawacmay rasaas iyo duqeymo ay ciidamada Yahuuddu ku qaadeen marinka Qazza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA.

Haddan intaasi ugu gudubna duqeymaha gumaystaha Yahuudda, waxaa wali magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza iyo nawaaxigeeda ka so conaya hawlgallo lagu naafaynayo ciidamada Yahuudda ee duulaanka ah, kaas oo ay fulinayaan dagaalyahannada muqaawamada Falastiin.

Garabka millatari ee muqaawamada ee ka dagaalamaya gudaha marinka Qazza ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday, inay askar Yahuud ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar kamiin ah oo ka dhacay mandiqad bari kaga beegan magaalada Khaan Yuunis.

Waxayna dagaalyannadda muqaawamada sheegeen, inay masaafo aad u dhaw u jirsadeen ciidamada Yahuudda, taas oo keentay in dhagta dhiigga loo daro xubna badan oo ka tirsanaa askar cadawga Sahaayinada.

kanaalka 13 ee Yahuudda oo soo xiganaya ciidamada Sahaayinada ayaa sheegay, in laba sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan waaxda sirdoonka ee maamulka Yahuudda  ay ku dhaawacmeen iska horimaad shalay ka dhacay koonfurta marinka Qazza.

Halka Masaadir ka tirsan Yahuudda ay goor sii horaysay oo shalay ah sheegeen, in askari Yahuudi ah lagu dilay magaalada Khan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin.

Sidoo kale, garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ayaa shalay gantaallo ku garaacay goobaha Yahuudda lagu deegaameeyay ee u dhow marinka Qazza, kuwaas oo argaxgax kale ku noqday Yahuudda oo la kulmayso duqeymo xooggan oo uga imaanaya dhanka dowladda Shiicada ee Iiraan.

Warbaahinta Yahuudda ayaa xaqiijisay, in Afar gantaal oo laga soo tuuray marinka Qazza ay ku hoobteen dhulka ay xoogga ku haystaan ee ku heeraraysan marinka Qazza, balse waxay ku andacoodeen, inay gantaalladaasi ku dhaceen meelo banaan ah oo aysan geysanin wax khasaare ah.

Muqaawamada Falastiin ayaa xoojiysay weerarrada ay ku beegsanayaan ciidamada Yahuudda ee duulaanka ku jooga marinka Qazza, gaar ahaan magaalada Khaan Yuunis iyo nawaaxigeeda, dhawaan ayayna ahayd markii ay muqaawamada baahiyeen muuqaal muujinaya dagaalyahannadooda oo beedsanaya taangi uu leeyahay gumaystaha Yahuudda oo burburin ba’an ka waday xaafado ka tirsan magaaladaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.