Saturday, July 12, 2025
HomeAll NewsDad ku Shahiiday Duqeymo ka Dhacay Qazza & Muqaawamada Falastiin oo Fulisay...

Dad ku Shahiiday Duqeymo ka Dhacay Qazza & Muqaawamada Falastiin oo Fulisay Hawlgallo Cusub.

Ciidamada guumaystaha Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta iyo habeenkii xalay duqeymo shuhado iyo dhaawac sababay ku qaaday magaalooyinka Qazza iyo Khaan Yuunis. Waxay sidoo kale qaraxyo kale oo badan ku qaadeen dhismayaal ku yaalla marinka Qazza.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya, in afar qof oo rayid ah ay ku shahiideen, 10 kalena ay ku dhaawacmeen subaxnimadii hore ee maanta, kadib weerar cirka ah oo lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Attuffaax, ee bariga magaalada Qazza.

Ilo-wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale ku waramay, shahiidka iyo dhaawac tiro dad ah, kadib duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xaafadda Sheekh Ridwan ee waqooyi-galbeed ee magaalada Qazza.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gumaystaha Yahuudda ayaa sidoo kale  duqeeyay dhismo ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla xaafadda Arrimaal ee galbeedka magaaladaas, waxaana halkaasi ku shahiiday afar qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.

Koonfurta Marinka Qazza, deegaanka Al-Mawaasi oo ay ku badan yihiin dad barakacayaal ah, ayaa subaxnimadii hore ee saakay iyo xalay waxa ay Yahuuddu ku garaacay duqeymo xiriir ah.

Mid ka mid ah duqaymahaasi oo ay Yahuuddu la beegsatay teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaankaas, ayaa waxaa ku  shahiiday 7 qof, qaar kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen, hawl-wadeennada caafimaadka ee marinka Qazza.

Bartamaha marinka Qazza, afar qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen labo duqeyn oo ay diyaaradaha Yahuuddu ka geysteen magaalada Deyrul-Balax.

Hawl-wadeennada caafimaadka ee ku sugan marinka Qazza ayaa sheegay, in 45 qof oo rayid ah, ay ku shahiideen duqeymo ay Yahuuddu Jimcihii shalay ku qaaday deegaanno kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza.

Geesta kale, Kooxaha wax iska caabinta ee marinka Qazza ayaa shaaciyay, hawlgalo cusub oo ay ku naafeeyeen ciidamada guumaystaha Yahuudda iyo gaadiidkooda dagaalka ee duulaanka cadawtooyo ku jooga marinka Qazza.

Garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ayaa shaaca ka qaaday saacadihii lasoo dhaafay, in dagaalyahanadoodu ay qarax xooggan la beegsadeen ayna ku burburiyeen taangi Merkaafa ah oo ay wateen ciidamada Yahuudda, kaas oo gudaha usoo galay mandiqad lagu magacaabo Al-Mislakha oo dhacda koonfur-galbeed ee magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Burburinta taangigaan ayaa imaanaya, xilli ay laba lixaadsadeen hawlgallada muqaawamada Falastiin ee sanka dhulka loogu jiiday ciidamada gumaystaha Yahuudda ee tabarta iyo itaalka daran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.