Wednesday, July 9, 2025
HomeAll NewsDad Ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Geystay Marinka Qazza.

Dad Ku Shahiiday Duqeymo uu Maamulka Yahuudda ka Geystay Marinka Qazza.

Diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ayaa saaacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka fuliyay gooba kala duwan oo ka tirsan marinka Qazza, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawac dad hor leh rayid ah.

Mid kamida saxafiyiinta kasoo warama jiidda Qazza ayaa ku waramay, in 10 qof rayid ah ay ku shahiideen kadib markii ciidamada gumeystaha Yahuudda ay subaxnimadii maanta oo Arbaco ah duqeymo xooggan la beegsadeen teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza.

Dhaqaatiirta Isbitaalka Shuhadaa’u Al-Aqsa ayaa sheegay, in nin Falastiini ah iyo wiil uu dhalay ay ku shahiideen duqeyn diyaaradeed oo ay Yahuuddu la eegatay guri ku yaalla magaalada Dayrul Balax ee bartamaha marinka Qazza.

Koonfuta Marinka Qazza, waxaa laga soo sheegayaa, shahiidka Labo qof iyo dhaawaca tiro kale kadib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ay duqeeyeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khaan Yuunis, ee koonfurta Marinka Qazza.

Habeenkii xalay, Siddeed qof oo rayid ah oo ay ku jireen laba carruur ah ayaa ku shahiiday, in ka badan 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha gumaystaha Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Shaadhi ee Galbeedka magaalada Qazza, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFAA.

Hawlwadeennada caafimaadka ee ka hawgalo Isbitaallada Qazza ayaa shaaca ka qaady, in 16 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Qaza tan iyo waaberigii maanta oo Arbaco ah.

Geesta kale, Abuu Cubeyda oo ah Afhayeenka Muqaawamada Falastiin ayaa ka hadlay, kamiinkii dorraad lagu laayay askarta gumaystaha Yahuudda ee ka dhacay magaalada Bayt Xanuun ee Waqooyiga Marinka Qazza, isagoona wacad ku maray, inay sii wadi doonaa dagaalka.

Afhayeenka ayaa qoraallo uu soo dhigay bartiisa Telegaraam-ka ku sheegay, in dagaalyahannadooda  ay tiinbanayaan dagaal ay ku dhiig-bixinayaan ciidamada gumaystaha Yahuudda ee ku sugan woqooyiga illaa koonfurta marinka Qazza, kuwaas oo maalin kasta dhabarka loo saarinayo khasaare hor leh.

“hawlgalka Bayt Xanuun waxa uu ahaa darba ku dhacday haybadii uu sheeganayay ciidanka Yahuudda ee daciifka ah iyo unugyadooda dambiyada badan, kuwaas oo aaggaas u malaynayay goob nabdoon.” Ayuu yiri Abuu  Cubeyda afhayeenka muqaawamada Falastiin oo ka hadlaayay jahawareerkii ciidamada Yahuudda ku qabsaday kamiinkii lagula eegtay magaalada Bayt Xanuun ee Waqooyiga Marinka Qazza.

Abu Cubeyda ayaa sidoo kale tilmaamay, in dagaal-yahannada Muqaawamada Falastiin ay dhawaan qarka u saaran yihiin inay gacanta kusoo dhigaan maxaabiis cusub oo ka tirsan askarta gumaystaha Yahuudda, xilli kayyaanka Yahuudda uu tabar iyo itaal u la’yahay soo furashada maxaabiistii horay looga qabtay.

Abu Cubeyda waxa uu carrabka ku adkeeyay, in adkeysiga dadka reer Falastiin iyo geesinimada dagaalyahanadooda wax iska caabinta ay yihiin kuwa qaabeeyay isla’egta dagaalka iyo qeexida astaamaha wajiga xiga.

Shalay ayay ahayd, markii ciidamada Yahuudda ay qirteen, in 5 askari looga dilay 14 kalana looga dhaawacay kamiin qorshaysan oo ay dagaal-yahannada Millatariga muqaawamada Falastiin u dhigeen guutoka tirsan ciidamada Yahuudda oo hawlo burburin ah ka waday magaalada Bayt Xanuun ee Waqooyiga Marinka Qazza, weerarkaan ayaa dhaliyay saamayn caalami ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.