Gumaystaha aan diirnaxayaynin ee Yahuudda ayaa saacadihii hore ee maanta oo Talaado ah silsilado weerarro cirka ah iyo madaafiic xooggan ku qaaday Marinka Qazza, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca tobanaan ruux oo u badnaa barakacayaal iyo dad rayid ah.
Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqeeyey teendho ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeed magaalada Khaan Yuunis, waxaana halkaasi ku shahiiday shan qof oo rayid ah, oo ay ku jireen saddex carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Kayyaanka Yahuudda ayaa sidoo kale duqeymo xiriir ah la beegsaday teendhooyin iyo guryo ku yaalla mukhayyamka Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza, waxaana inta saxaafadda lala wadaagay ku shahiiday hal qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ayaa duqeymo la eegtay dad rayid ah oo marayay Waddada Salaaxu Diin ee marinka Qazza, waxaana shuhado iyo dhaawac ku noqday dad aan tiaradooda la shaacinin, iyadoo la xaqiijiyay, in qaar kamida dhaawacyada ay soo gaareen Isbitaalka Al-Cawda ee ku yaalla magaalada Jabaaliya ee Waqooyiga marinka Qazza.
Ilo wareedyo dhanka warbaahinta ah ayaa tibaaxay, in meydadka dad shuhado ah ay maalmo yaallaan waddo waqooyi-galbeed oo dhinaca xeebta ah ka marto magaalada Qazza, kadib markii ciidamada Yahuudda oo xasuuqay dadkaas ay diideen in la aaso.
Dad ku shahiiday gumaadka ay Yahuuddu ka waddo marinka Qazza tan iyo waaberigii shalay oo Isniin ahayd ayaa gaaraya 56 qof oo rayid ah, kuwaas oo ay ku jireen 38 qof oo rayid ah oo gargaar sugayay.
Geesta kale, shalay gelinkii dambe, ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay, in sarkaal Yahuudi ah oo darajadiisu ahayd kabtan looga dilay dhowr askarina ay uga dhaawacmeen qarax iyo dagaal ka dhacay koonfurta marinka Qazza.
Ciidamada Sahaayinada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, in sarkaalkan halaagsamay oo lagu magacaabi jiray Taal Muufishuu-Fetse, uu taliye ku xigeen ka ahaa horin ka tirsan guutada Goolaani ee ciidamada Yahuudda.
Muuqawamada Falastiin oo mas’uuliyadda weerarkan sheegatay ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanadooda ay ku qarxiyeen walxaha qarxa guri ay dhufays ka dhiganayeen tiro askar Yahuud ah, gurigaas oo ku yaalla bariga deegaanka Caabasaan Al-Kabirah oo u dhow magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza. Iyagoo xaqiijiyay, in Askartii Yahuudda ee halkaasi ku sugnayd ay u qaybsameen dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Telegaraamka ah ku sheegay, in dagaalyahanadooda oo adeegsanayo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo bambooyinka gacanta laga tuura ee lidka ku ah taangiyada ay bariga magaalada Jabaliya ee waqooyiga Marinka Qazza ku beegsadeen, gaari kamida kuwa ciidamada daabulo iyo taangi Mirkaafa ah oo ay lahaayeen ciidamada Yahuudda.
Si kastaba ha ahaatee, dilka sarkaalkan iyo askartii la socotay ayaa ku biiraya, askar iyo saraakiil badan oo ay muuqawamada Falastiin dhegta dhiigga u daraeen, intii lagu guda jiray duulaanka cadawtooya ee uu maamulka Yahuudda kusoo qaaday xayndaabka go’doonsan ee Qazza.