Saturday, July 5, 2025
HomeAll NewsDad ku Shahiiday Marinka Qazza iyo Askar Yahuud ah oo Lagu Laayay...

Dad ku Shahiiday Marinka Qazza iyo Askar Yahuud ah oo Lagu Laayay Magaaladaas.

Wararka ka imaanaya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in dad rayid ah ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen duqaymo ay Yahuuddu ku qaaday Koonfurta, Waqooyiga iyo bartamaha marinka Qazza, iyadoo tiro askar Yahuud ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaallo ka dhacay Waqooyiga iyo Koonfurta marinka Qazza.

Hawl-wadeennada caafimaadka ee magaalada Khaan Yuunis ayaa sheegay, in lix qof oo rayid ah ay ku shahiideen in ka badan Toban kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Yahuuddu ku qaaday teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeedka Khaan Yuunis.

Shan qof ayaa ku shahiiday waabarigii hore ee maanta, kadib markii diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ay duqeeyeen iskuul ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla xaafadda Azeytuun ee ka tirsan magaalada Qazza, halka labo kale oo rayid ahna ay ku shahiideen duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaalla xerada Maghaazi ee bartamaha marinka Qazza.

Shan qof ayaa sidoo kale ku shahiiday duqeymo ay Yahuuddu la eegatay laba guri oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Al-Bureeyj ee bartamaha marinka Qazza iyo xaafadda Sheekh Ridwaan ee waqooyiga magaalada Qazza.

18 qof oo rayid ah ayaana ku shahiiday duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay deegaano kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza tan iyo saqdii dhexe ee xalay, halka 55 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymihii Jimcihii shalay ay Yahuuddu ka fulisay Marinka Qazza, sida ay shaaca ka qaadeen, Ilo-wareedyo ku sugan cisbitaalada Qazza.

Dhanka dagaallada maydaaniga ah ee ka socda marinka Qazza, ciidamada Yahuudda ee ku sugan Marinka Qazza ayaa qirtay shalay oo Jimce ahayd, dhimashada laba askari, kuwaas oo mid ka mid ah looga dilay waqooyiga Marinka Qazza, halka askari kalana lagu khaariyay koonfurta marinka.

Ciidamada Yahuudda ayaa intaasi ku daray, in halwlgalka looga dilay askariga ee ka dhacay koonfurta marinka  Qazza, sidoo kale ay ku dhaawacmeen afar askari oo qaarkood uu dhaawacyadoodu halis yahay.

Umuurahaan ayaa imaanaya, iyadoo muqaawamada Falastiin ay aqbashay heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee dhawaan uu ku dhawaaqay Mareykanka, kaas oo la filayo inuu ka dhaqan galo marinka go’doonsan ee Qazza.

 

 

 

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.