Dalka Maraykanka ayaa mar kale marti galiyay weerar lagu dhaawacay dad Ameerikaan ah oo taageero u muujinayay maxaabiista Yahuudda ah ee ku jira jeelasha marinka Qazza, dadkan ayaa la sheegay inay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen hawgalkaas, iyada oo qaarkamida ay si daran u gubteen.
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacmay weerar loo adeegsaday bam gacmeed, kaas oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Buuladr ee gobolka Kuuluuraado ee dalka Maraykanka, weerarkan ayaa lala beegsaday dad isugusoo baxay goob ku taalla magaaladaas oo lagu taageerayay maxaabiista Yahuudda ee wali ku xiran xabsiga muqaawamada Falastiiniyiinta ee Qazza.
Ninka weerarka geystay ayaa ku qaylinayay erayo ay ka mid yihiin, “Falastiin ha Xurowdo” xilli uu tuurayay bam-gacmeedyo dab ah oo dhaawacyo halis ah u gaysatay dadkii bananabaxa samaynayay, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Booliiska Maraykanka ayaa si degdeg ah u xiray ruuxa gaystay weerarka, kaas oo lagu magacaabo Mohamed Sulayman, isla markaana la sheegay inuu yahay muwaadin u dhashay dalka Masar, kaas oo deegaan ku ahaa dalka Maraykanka in mudo ah. Warbaahinta Fokis Niyuus ayaa sheegtay in ninkan uu mar hore helay ruqsad shaqo, taas oo dhacday bishii Maarso ee sannadkan.
Agaasimaha FBI-da Maraykanka ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku xaqiijiyay in weerarku ahaa fal lagu taageerayay qadiyada Falastiin, si toosana loo beegsaday dadka Yahuudda taageerayay, isla markaana ay socdaan baaritaanno qoto dheer. Wuxuu intaa ku daray in saraakiisha amniga federaalka iyo booliiska deegaanka ay si buuxda uga shaqeynayaan goobta uu weerarku ka dhacay.
Dhacdadan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ay ka qaylo dhaamiyeen madaxyo-waynta Yahuudda iyo Maraykanka, kuwaas oo sheegay in Nacaybka dadka Yahuudda ah uu aad ugusii baahayo gudaha Maraykanka iyo inta badan dalalka reer galbeedka.
Weerarkan ayaa kusoo beegmayaa xilli xiisad ballaaran ay ka jirto gudaha Mareykanka, taas oo salka ku haysa dagaalka ka socda marinka go’adoonsan ee Qazza, waxaana durba bilowday dood adag oo ku saabsan bad qabka amni ee dadka Yahuudda ah iyo dawrka shacabka Maraykanku ku leeyihiin xasuuqa ay Yahuuddu ka gaysanayso marinka Gazza.