Ciidamada xukuumadda Ukraine ayaa duqeyn loo adeegsaday madaafiicda goobta maalintii shalay ka fuliyay, mandiqadda Luganisik ee dhacda Bariga dalkaasi.
Duqeyntan ayaa waxaa ku dhintay illaa 6 ruux oo ay ku jiraan 3 saxafiyiin ah, kuwaasoo ka shaqeynayay warbaahino kala duwan.
Saxafiyiintan iyo dad la joogay ayaa hal goob lagu beegsaday, wuxuuna mas’uul katirsan Dowladda Ruushka sheegay in si gaar ah loo bartilmaameedsaday dadkan, weerarka ayuuna ku tilmaamay mid argagixiso oo lasoo qorsheeyay sida uu hadalka udhigay.
Kooxda Saxafiyiinta ah ayaa dhamaantood ka howlgelayay warbaahin dhamaanteed laga leeyahay gudaha wadanka Ruushka, waxaana lagu eedeeyay iney xukuumadda Mooskoow ka garab siinayeen dagaalka ay kula jirto xukuumadda Kyiv.