Shacabka kunool magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa sheegay in magaalada ay kusoo badanayaan shilalka gawaarida iyo mootooyinka, iyagoo tilmaamay in maamulka degmada aanu waxba ka qabanin nidaamka wado marista.
Waxay tilmaameen inaaney suurogal ahayn in keliya canshuur loo soo doonto, dhibaatadoodana aan waxba laga qaban, iyagoo intaa ku daray in shilalka ka dhaca wadooyinka Burco ay dad badani ku dhintaan.