Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsDagaal Culus oo Khasaare Dhaliyay oo ka Dhex Qarxay Dowladaha Hindiya iyo...

Dagaal Culus oo Khasaare Dhaliyay oo ka Dhex Qarxay Dowladaha Hindiya iyo Pakistan.

Hindiya ayaa fiidnimadii Talaadada weerar loo adeegsaday gantaallo ku qaaday goobo kala duwan oo ku yaalla gudaha Bakistaan, iyadoo ciidamada Bakistaan  ay wacad ku mareen inay ka jawaabi doonaan, xilli ay sii kordhayso xiisadda u dhaxaysa labada quwadood ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka.

Dowladda Hindiya ay maanta oo Arbaco ah shaaca ka qaaday, in ciidankeedu ay bartilmaameedsadeen sagaal goobood oo ku kula yaalla Bakistaan  iyo gobalka Kashmiir.

Dhankiisa, Afhayeen u hadlay ciidamada Bakistaan , ayaa wacad ku maray inay weerarkaas ka bixin doonaan jawaab adag oo dhamaystiran, isagoona warbaahinta u xaqiijiyay, in dhimashada ka dhalatay duqeymaha Hindiya ay gaarayso 8 qof oo ay ku jiraan ilmo yar iyo labo dumar ah iyo ​​ dhaawaca 35 qof, halka laba qofna la la’yahay, kuwaas oo uu sheegay, in intooda badan ay ku dhinteen magaalada Bahawalboor ee gobolka Bunjaab.

Afhayeen oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in ugu yaraan labo masaajid lagu bartilmaameedsaday weerarka Hindiya, halka wakaaladda wararka ee Roytaris ay kasoo xigatay mas’uul Bakistaani ah oo sheegay, in xaalad degdeg looga dhawaaqay gobolka Bunjaab ee dalkaas.

Wararka ayaa intaasi ku darayo, in duqeymo culus oo ay iswaydaarsadeen ciidamada Hindiya iyo Bakistaan  ay beegsadeen saddex goobood oo ku yaalla xadka Kashmir, halka Telefishinka Bakistaan  uu sheegay, in ciidamadooda jawaab ka bixinayay weeraradaas ay soo rideen laba diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Hindiya iyo diyaarad aan duuliye lahayn.

Telefiishanka Bakistaan  oo soo xiganaya ilo milateri ayaa intaasi ku daray, in guuto ka tirsan ciidamada lugta ee Hindiya la burburiyay, isla markaana jawaabta Islaama-Baad ay ka bixinayso weerarrada Hindiya ay tahay mid socota.

Taas badalkeeda, Wakaaladda wararka ee Roytaris oo soo xiganaysa mas’uul u hadlay Hindiya ayaa sheegtay, in 10 qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Bakistaan la beegsatay qaybta ay Hindiya ka maamusho gobalka Kashmir, walow aysan Bakistaan ka hadlin duqeyntaas.

Si kastaba ha ahaatee xiisadii maalmahan ka dhex aloosanayd dowladaha Hindiya iyo Bakistaan ayaa u muuqata mid isu badashay gacan ka hadal, iyadoo shacabka ku nool labada dal ay dareemayaan cabsi aad u xooggan oo ay ka qabaan inay labadaani dowladood isu adeegsadaan hubka Nukliyeerka  ee halista badan, iyadoo wararka ay intaasi ku darayaan, in xadka ay wadaagaan labada dal ay ka socda duqeymo xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada dalalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.