Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Danab ee daacadda u ah Mareykanka ayaa waxa uu maanta ka dhacay, deegaan dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada-Hoose.
Askar katirsan kuwa Danab ee uu Mareykanku tababartay oo kasoo baxay magaalada Kismaayo, islamarkaana dhaqdhaqaaq ka waday duleedka magaalada ayaa waxaa dagaal kala hortagay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, xilli ay marayeen deegaanka Buulo-Xaaji.
Ciidamada oo ay kor ka taageerayeen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa dagaalka looga dilay 6 askari oo 2 kamid ah ay saraakiil yihiin, kuwaas oo kala ah, Cabdullaahi Aadan Cabdi Kariim oo ahaa Abaanduule ciidan, iyo Higle Maxamed oo ahaa Taliyaha Caafimaadka ciidanka Danab gaar ahaan qeybta Special Force, halka lagu dhaawacay 13 kale.