Thursday, May 8, 2025
HomeUncategorizedDagaal Khasaare Dhaliyay oo Ciidamada Maamulka Puntland ku Dhexmaray Magaalada Garoowe.

Dagaal Khasaare Dhaliyay oo Ciidamada Maamulka Puntland ku Dhexmaray Magaalada Garoowe.

Dagaal khasaare dhaliyay ayaa xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka la baxay Puntland.

Dagaalkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay saldhigga galbeed ee magaalada Garoowe, waxaana lasoo warinayaa inuu khasaare ka dhashay dagaalka.

Iska hor’imaadkaan ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka la baxay Puntland iyo ilaalada gudoomiyaha Baarlamaanka ee maamulkaas.

Tani ayaa timid kadib markii ciidamadu ay qoriga ka qaadeen mid kamid ah ilaalada gudoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka la baxay Puntland, waxaana intaas kadib ay ilaaladu weerar ku qaadeen saldhiggii lagu xiray askariga.

Ugu yaraan 1 askari ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay iska hor’imaadkaan ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana lasoo warinayaa in wali ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay arrintaan.

Halkaan ka Degso Warka Garoowe

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.