Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsDagaal Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Dowladda Fedaraalka ku Dhexmaray Degmada Luuq.

Dagaal Khasaare Dhaliyay oo Ciidanka Dowladda Fedaraalka ku Dhexmaray Degmada Luuq.

Maalintii shalay dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka shalay ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo, halka ay jiraan tiro dhaawacyo ah walow aan laheyn inta ay la egyihiin.

Mid kamid ah ciidanki dagaallamay ayaa saakay dib usoo rogaal celiyay, waxaana markale degmada Luuq ka dhacay dagaal dhex maray labada dhinac.

Sarkaal lagu magacaabo Korneyl Aadan Rufle, ayaa waxa uu dagaalladaasi ku eedeeyay iney ka dambeyso Dowladda Fedaraalka lagana soo abaabulay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.

Halkaan ka Degso Warka Luuq

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.