Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsDagaal Laga Cabsi Qabo inuu ka Dhex Qarxo Ruushka iyo Isbaheysiga NATO.

Dagaal Laga Cabsi Qabo inuu ka Dhex Qarxo Ruushka iyo Isbaheysiga NATO.

Ingiriiska ayaa maanta ballan qaaday inuu Yukrayn siin doonto Boqol Kun oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah dhamaadka sanadkan miilaadiga ah illaa  bilaha ugu horeeya ee sanadka soo socda, kaas oo ah koror Toban laab ah, waxayna sheegtay Landhan, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beddeleen istiraatiijadii dagaalka.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay, in diyaaradahan oo qiimahoodu dhan yahay $473 Milyan oo Doollar, ay qayb ka yihiin dadaallo ballaaran oo taageero milateri ah oo ku kacaya 4.5 bilyan oo lacagta Ingiriiska ah, kaas oo loogu talagalay, in lagu garab istaago dowladda Yukrayn ee dagaal ba’an kula jirta Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Roytaris.

Xoghayaha difaaca ee Ingiriiska ninka lagu magacaabo Joon Hiilaa ayaa lagu wadaa inuu go’aankan kaga dhawaaqo shir lagu wado inay isugu yimaadaan 50 waddan oo xulafo la ah Yukrayn, kaas oo ka dhacaya magaalada Baraasilis, uuna Jarmalku ka qayb qaadanayo martigelintiisa.

Joon ayaa waxa uu xaqiijiyay, in Ingiriiska uu sii xoojinayo taageerada iyo garab istaagga uu siiyo Yukrayn, isaga oo boqollaal kun oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah gaarsiisay waddanka Yukrayn sannadkan gudahiisa, isla markaana ay Landhan dhammaystirtay guul weyn oo ku aaddan gaarsiinta rasaasta muhiimka u ah ciidamada Yukrayn ee ku jira jiidaha hore ee dagaalka.

Marka laga soo tago gaarsiinta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, Landhan waxay sheegtay inay 140 Kun oo madfac u rartay Yukrayn tan iyo bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, ayna sanadkan ku bixin doonto tababaridda ciidamada Yukrayn 247 milyan oo lacagta Ingiriiska ah.

Arintaan ayaa imaanayso, iyadoo dowladaha gaashaan-buurta NATO ay ku tala jirtaan inay qiyaastii boqolkiiba 30 kor u qaadaan awooddooda ciidan si ay uga hortaggan khataraha amni ee ka imaan kara Ruushka, iyagoo si gaar ah diiradda u saarayo kordhinta kaydka gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo sidoo kale xoojinta difaaca hawada iyo hababka madaafiicda, sida ay wakaaladda wararka ee Jarmalka kasoo xigatay masaadir ka tirsan isbahaysigaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.