Sunday, April 20, 2025
HomeAll NewsDagaal Markale ka Dhacay Hiiraan iyo Howlgal Askar Lagu Dilay oo Laga...

Dagaal Markale ka Dhacay Hiiraan iyo Howlgal Askar Lagu Dilay oo Laga Fuliyay Beydhabo.

Waxaa markale saakay dagaal uu ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Beera-yabaal ee gobalka Hiiraan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare la gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Shalay ayay aheyd markii isla Hiiraan gaar ahaan duleedka Buulo-burde dagaallo ka dhacay lagu dilay 18 askari oo ay saraakiil ku jiraan, halka lagu dhaawacay 26 kale.

Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal qorsheysan oo askar lagu dilay waxa ay ka fuliyeen gobalka Baay.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaana lagu dilay 2 askari oo katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed, iyadoo laga soo furtay 1 qori oo AK-47 ah.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa dhanka kale laga helayaa, weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen askar katirsan maamulka la baxay Jubbaland.

Weerarka oo kamiin ahaa ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka la baxay Jubbaland oo kasoo baxay deegaanka Kaambooni ee dhaca xad-beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyay in weerarkaas lagu dilay 1 askari laguna dhaawacay 3 kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.