Is-rasaaseyn xalay fiidkii ka billaabatay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa soo gaartay saaka, taasoo u dhexeysay ciidamada isku dhafka ee maamullada Puntland iyo Galmudug iyo koox hubeysan.
Waxaa ka dhashey dagaalka inta la ogyahay dhiamshada hal askari oo katirsan ciidamada isku dhafka ee maamullada Puntland iyo Galmudug,
Lama oga waxa uu salka ku hayo dagaalka, laakiin deegaannada ay ka jiraan maamul goboleedyada waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u abaabulan hab qabiil.