Wali waxaa warbaahinta qaar ay hadal heysaa dagaalkii dhawaan dhexmaray dowladaha Hindiya iyo Pakistan bishii May ee sanadkaan, sababo ku aaddan weerar ay dad Hindi ah iyo kuwa magan u ahaaba ay ku dhinteen oo ka dhacay mandiqadda xuduudeed ee Kishmiir, kaas oo ay Hindiya ku eedeysay Pakistan ugu dambeynna sababtay inuu dagaal dhexmaro.
Dowladda Hindiya ayaa waxa ay warbixinnadu tibaaxayaan in dagaalkaan ay ka dhaxashay dhibaatooyin siyaasadeed, halka Pakistanna ay ku kasbatay xiriir xooggan oo ay la yeelatay Shiinaha iyo Mareykanka.