Wednesday, May 14, 2025
HomeAll NewsDagaallo Culus oo ka Dhacay Dalka Liibiya Kadib Hogaamiye Sirdoon oo Lagu...

Dagaallo Culus oo ka Dhacay Dalka Liibiya Kadib Hogaamiye Sirdoon oo Lagu Dilay Dalkaas.

Magaalada Tiriboli ee caasimadda dalka Liibiya ayaa waxaa ka dhacay dagaallo xoogan kaddib markii la dilay hogaamiyihii Hay’adda Taageerada iyo Xasilinta oo ah hay’add qaabilsan ilaalinta xarumaha dawlada, waxaana hor-jooge ka ahaa Cabdi Qani Kikli, kaas oo taageerayay ciidamada dawladda Liibiya, Dagaalladan ayaa sababay kacsanaan amni oo ka dhex jirta magaalada, waxaana ku dhintay hogaamiyihii hay’adda iyo ciidamo kala duwan oo ku sugnaa gudaha caasimadda.

Wasaaradda Difaaca ee Liibiya ayaa sheegtay, in ay guul ka gaareen hawlgallada ka dhacay aagga Abu-salim ee ku yaalla koonfurta magaalada Tiriboli. Dagaaladan ayaana dhex maray Ciidamada dowladda oo dhinac ah iyo kooxaha kasoo hor jeeda ee ay isku hayaan talada dalkaas, kuwaas oo muddo ku dagaalamayay gacan ku haynta goobaha mujiimka ah ee dalka.

Dagaalka ayaa sababay in shacabka caasimada la amro inay guryahooda ku sugnaadaa, iyadoo la joojiyay dhamaan qaybhihii waxbarashada ee magaaladaas. Wasaaradda Waxbarashada ayaana dhankeeda soo saartay amarro ay ku hakinayso imtixaannada iyo habsami u socodkii dugsiyada si loo hubiyo badbaadada ardayda iyo macallimiinta.

Wasaaradda Caafimaadka ee Liibiya ayaa sidoo kale amartay, in laga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee ka dhalatay dagaalka, iyadoo la sii kordhiyay diyaar-garowga xarumaha caafimaadka. Xukuumada dalkaas ayaana shacabka ugu baaqday inay ka taxadaraan rabshadaha soo food saaray caasimadda.

Waxaa si weyn loo dareemayaa xalada kacsanaanta ah ee ay sababtay dhibaatada siyaasadeed ee ka jirta Liibiya, iyadoo dagaalladu u dhaxeeyaan kooxo kala duwan oo isku haya awoodda dalka, xiisadan ayaana soo bilaatay tan iyo markii xilka laga tuuray madaxwaynihii kaligii taliska ahaa ee dalkaas xukumayay in kabadan 40-ka sano ee Mucamar Al-Qadaafi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.