Tuesday, May 6, 2025
HomeAll NewsDagaallo Culus oo Wali ka Soconaya Gobalka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.

Dagaallo Culus oo Wali ka Soconaya Gobalka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.

Gobolka Amxaarada ayaa waxaa wali ka saconayo dagaallo u dhaxeeyo ciidanka Itoobiya iyo kuwa maleeshiyaadka FANO, iyadoo Itoobiya lagu eedeeyay iney kordhisay duqeymaha ka dhanka ah dadka shacabka ah.

Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ayaa lasoo warinayaa iney wali ka socdaan, qeybo badan oo kamid ah gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalladaan ay labada dhinbacba isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana ay geysteen khasaarooyin nafeed, walow aan laga helin xog rasmi ah.

Dhanka kale hey’adaha sheegta xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay soo saareen, warbixinno ay ku sheegayaan in diyaaradaha daagaalka ee Itoobiya ay duqeymo bareer ah la beegsadeen dadka rayidka ee ku dhaqan gobolka Amxaarada.

Waxay sidoo kale tilmaameen in kaabayaasha dhaqaale ee gobolka Amxaarada ay ku burbureen, dagaallada xooggan ee u dhaxeeyo maleeshiyaadka FANO iyo Millatariga Itoobiya.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan, in dagaallada ay ku burbureen xarumo waxbarasho oo aad u tiro badan, islamarkaana uu aad u yaryahay gargaarka gaaraya halkaas.

Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa la daalaa dhaceysa dhibaatooyinka ay sababeen dagaallada culus ee ay kula jirto maleeshiyaadka hubeysan ee kasoo horjeeda xukuumadda Adis Ababa, waxaana hadda muuqaneysa in dagaalladu ay dib usii xoogeysteen dhiig-bax daranna uu ku socdo ciidanka Xabashida Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Itoobiya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.