Waxaa maanta qeybo kamida ah gobalka Hiiraan ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaallada oo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay si gaar ah kaga dhaceen, duleedka degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.
Ugu yaraan 12 askari oo ay saraakiil ku jiraan ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay dagaalladaan kuwaas oo 5 kamid ah meydadkooda looga cararay goobta dagaalka, halka looga dhaawacay 20 kale.
Saraakiisha lagu dilay dagaallada waxaa kamid ah Maxamad Guudow, Cilmi Cabdulle iyo Ciise Xasan Jiis.
Gaari Cabdi-bile ah oo uu leeyahay Cali Jeyte ayaa sidoo kale lagu gubay dagaallada, iyadoo lagu soo furtay 5 qori oo AK-47 ah.
Dagaalladaan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay gobalka Hiiraan dhaqdhaaqyo ka wadeen ciidamada Dowladda Fedaraalka iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda, kuwaas oo ay horkacayeen Cali Jeyte iyo masuuliyiin kale.