Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar iyo qarax maalintii shalay lala beegsaday, kolonyo isugu jirta ciidamada Uganda iyo kuwa Dowladda Fedaraalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamada huwanta ah lagu gaarsiiyay, weerarka iyo qaraxa ay kala kulmeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarka ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka, halka lagu dhaawacay 15 kale oo isugu jira kuwa Uganda iyo Dowladda Fedaraalka.
Weerar qarax ah ayay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, gaari Beebe ah oo ay wateen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay 8 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay 7 kale, iyagoona uu gabi ahaanba basbeelay gaarigii ay saarnaayeen.